4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2016
Kenya: Qabow Lafo Jebis ah oo Ka Bilowday Nairobi

Subax qabow dhacaayo, wadada Thika ee Nairobi


Talaado, Juun 28, 2016 (HOL)-Tan iyo bilowgii bishaan barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Nairobi laga dareemayay qabow aad u daran ama lafo jebis ah.

Ramadaaanka sanadkaan ayaa wuxuu ku soo aaday bisha Juun ee kalendarka Miilaadiga.

Si kastaba ha ahaatee, qabowga ayaa waxaa la ogsoonaa inuu Nairobi ka dhici jiray amaba ka bilaaban jiray bisha xigta ee Luuliyo.

Sidaa daraadeed ayaa waxaa hubaal ah in uu kasoo hormaray waqtigiisa iminka.

Qabowgaa ayaa dad badan u diiday inay salaadaha u toosaan gaar ahaan salaadaha taraawiixda iyo tahajudka bishaan barakaysan ee Ramadaan.

Si kastaba, saadaal ayaa sheegeysay in bilaha soo socda ee Luuliyo iyo Agoosto uu qabowgu kasii dari doono arinkaa oo mudan in laga gaashaanto.

Bogga hore iyo bogga dambe ee wargeyska maalinlaha ah ee Daily Nation oo kasoo baxa Nairobi ayaa maanta waxaa lagu daabacay maqaal kusaabsan arinkaa. 

Warbixintaa ayaa sheegeysa in sidaa ay saadaaliyeen dadka jawiga hawada saadaaliya.

Dadka ayaa waxay kula taliyeen inay dhar dhiirimaad leh xidhaan si aanay u xanuunsan oo aysan ugu dhicin cudurada neefta iyo qaar jeexa.

Laanta saadaasha hawada ee Kenya ee Kenya Metrological Department ayaa ka digtay in ciiryaamo ka dhacda meelaha qaar ay sababto in wax si fiican loo arki waayo oo waddooyinka isticmaalkooda ay saamayso.

Darawalada ayaa waxaa looga digay inay feejignaadaan si aysan shilal u galin maadaama ciiryaamo laga yaabo inay qariso wadooyinka isla markaana in si fiican ay wax u arki waayaaan laga yaabo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.