4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
Waxgaradka Gobolka Gedo oo Ka Cabanaaya Duqeynta Ciidamada Kenya

Talaado, Juun 28, 2016 (HOL)-Cuqaasha gobolka Gedo gaar ahaan dhanka xadka Kenya xiga ee Ceel-waaq iyo tuulooyinka hoos yimaada labo daraadle Dhamase ayaa cabasho xooggan ka muujiyay duqeynta halkaa ay u geystaan ciidanka Kenya.

Shalay ayaa waxaa wararku sheegayaan in halkaa duqeyn ciidamada Kenya ay u geysteen ay ku dhimatay haweeney da' ahayd oo gurigeeda ay madfac ku dhufteen tuulada Dhamase oo qiyaas ahaan 60km u jirta Ceel-waaq Soomaaliya.

Qaar ka tirsan odayaasha ayaa warbaahinta caalamiga ah u sheegay inay cambaareynaayaan weeraradaa aan loo aaba yeelin ee lagu hayo deeganadooda waa sida ay hadalka u dhigeene ayagoo sheegay in maalmihii lasoo dhaafay oo dhan nawaaxi ballaaran oo dhaca Dhamase iyo agagaarkeeda ay ciidamada Kenya madaafiic ku garaacayeen.

Madaafiicda ayaa sababay sida ay sheegeen dhimaso, dhaawac iyo burbur hanti intaba. Sidoo kale waxay sheegeen in xoolo badan ay ku dhinteen duqeynta.

Si kastaba ha ahaatee waxay sheegeen inaysan aqoon cid ay uga daqcwoodaan maadaama ay yireen waxay u muuqataa in dawlada Kenya iyo ciidamadeedu aysan u naxayn shacabka halkaa ku nool.

Dhanka kale, ciidamada Kenya ayaa tuhmaaya in Al-shabaab ay deegaanadaa kusugan yihiin. Warbixin dhawaan lagu daabacay mid ka mid wargeysyada maalinlaha ah ee Kenya mid ka mid ah boggagiisa ayaa sheegtay in Dhamase, dhanka Keya (waa tuulo la magac ah Dhamase oo ay ood wadaag yihiin Dhamase Soomaaliya xadka oo qurana uu kala qeybsho) in Alshabaab halkaa anteeno isgaarsiineed ay burburiyeen.

Arintaa ayaa waxaa sida warar aanu ku helnay daba socotay duqeyn ciidamada Kenya ay halkaa duqeeyeen.

Sidoo kale waxaa la xasuustaa in asbuucii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeeyeen deegaan ka tirsan Ceel-waaq halkaas oo afar carruur ah ay ku dhinteen (gabar iyo 3 wiil).

Sidoo kale ayaa waxaa duqeyntaa ku le'day xoolo badan gaar ahaan geel badan.

Dhanka Kenya gaar ahaan Ceel-waaq Kenya mudaaharaad arinkaa looga soo jeedo ayaa ka dhacay ayadoo dad arinkaa ka careysan ay giraamaha gawaarida ku gubeen waddooyinka.

Si kastaba, waxaa ciidamada Kenya iyo guud ahaan AMISOM ay shegeen in Al-shabaab ay dhaqdhaqaaq ka wadaan gudaha gobolkaa ayadoo ay sheegeen in asbuucii tagay lagu arkay gawaari dabley badan saaran yihiin oo maraayay gudaha magaalada Ceel Cadde.

Ceel Cadde ayaa ahayd halkii bishii Janaayo lagu galay xero ciidamada Kenya ee KDF ee AMISOM halkaa ay ku lahaayeen.

AMISOM ayaa sheegtay in gawaaridaa dableyda saarnaa ay ku wajahnaayeen Ceel-waaq Soomaaliya ayagoo kusii jeeday xerooyin kale oo halkaa ciidamada KDF ay ku leeyihiin si ay u weeraraan.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in mayee ay ku wajahnaayeen inay weeraraan xerooyin agagaarka Ceel-waaq ay ku leeyihiin ciidamada dawlada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, cuqaasha, odayaasha iyo wax garadka gobolka Gedo ayaa ku baaqay in shacabka aan la duqeyn wax yeelana aan loo geysan ayaga iyo hantidooda balse hadii ciidamada Kenya iyo AMISOM ay doonayaan Al-shabaab ay raadsadaan.