4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
Ururka Xasaradaha Caalamiga ah oo Soo Saaray Warbixin Ka Hadleysa Alshabaab

Talaado, Juun 28, 2016 (HOL)-Ururka falanqeeya xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa shalay warbixin uu soo saaray wuxuu ugaga hadlay sababaha Al-shabaab aan weli looga guulaysan inkastoo darafyo badan ay la wada dagaalamayaan.

ICG ayaa warbixintaa kusheegtay in Al-shabaab walow lala dagaalamayo meelo badan oo awal ay joogeena laga saaray hadana weeraro ay ka geystaan Muqdisho iyo meelo kale.

Weerarada ayaa waxaa ay ku qaadaan kooxaha Al-shabaab xarumaha dawlada, saldhigyada AMISOM iyo weliba hootelada caanka ah ama waaweyn.

Weerarkii noocaa ah oo la xasuustoo ayaa ahaa kii Sebtidii aanu soo dhaafnay lagu qaaday hootelka Naasa Hablood oo kuyaala Lambar 4, Muqdisho.

Halkaa ayaa waxaa ku dhintay dad 15 kor u dhaafay oo ay kujireen xildhibaan iyo dad kale oo caan ahaa.

Warbixintu waxaa ay tilmaantay in waxa looga adkaan la'yahay Al-shabaab ay tahay ayadoon xiriirin wanaagsan aysan ka dhexeyn darafyada la wada dagaalamaya xaraka Al-shabaab.