4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2016
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania oo Safar ku yimid Maanta Magaalada Muqdisho (Sawirro)


Isniin, Juun 27, 2016 (HOL)
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Xarunta Madaxtooyada Somalia - Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Mauritania Isselkou Ould Ahmed Izid Bih oo dalka booqasho ku jooga.

Wasiirka, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay Marti-qaad uu kaga Siday Madaxweynaha Wadanka Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz, kaasoo ku saabsan ka Qayb-galka Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhamaadka bisha dambe ka dhici doona Magaalada Nouakchott.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Aqbalay Marti-qaadkaasi isagoo sheegay in Somalia uu shirkaasi muhiim u yahay, ayna ka Qayb-geli doonto. Isagoo ka codsaday Wasiirka inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweyne Ould Abdel Aziz.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mauritania Ahmed Izid Bih ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu markii ugu horreysay marti-gelinayo Shir-madaxeedka Carabta, uuna xoogga saarayo in ajandayaasha ugu waaweyn ee laga hadli doono ay ka mid noqdaan Arrimaha Dalka Somalia, isla markaana ku boorrin doonaan Dalalka Carabta inay gacan weyn ka geystaan Taageerada ay Somalia xilligan u baahan tahay.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda Somalia, Khaalid Cumar Cali iyo Mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya