4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2016
SAWIRO: Madaxweynaha oo Maanta Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Belgium


Isniin, Juun 27, 2016 (HOL)
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh - ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Somalia - Warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium iyo Wakiilka Belgium ee Somalia, Roxane de Bilderling.

Xasan Sheekh, ayaa Safiiradda u Ballan-qaaday in Dowladda Soomaaliya ay la shaqeyn doonto, uuna ku faraxsan yahay doorka Xukuumadda Belgium ay kaga jirto Arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Roxane de Bilderling ayaa sheegtay in Dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee Somalia kala dhexeeya.

Ugu dambeyn, Dowladda Belgium ayaa waxay ballan-qaadday inay dowladda FS kala shaqeyn doonto Arrimo badan oo ay ka mid yihiin; Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, Ma ahan markii u Horreysay oo Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomo Danjirayaasha Dalal ka Tirsan kuwa Yurub iyo Calaamka Intiisa kale, kuwaasoo gabi ahaan ballan-qaaday inay caawin doonaan Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya