4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2016
Kenya: Siyaasiga Musalia Mudavadi oo Ku Baaqay in Ciidamada Kenya Laga Soo Saaro Soomaaliya

 

 

Isniin, Juun 27, 2016 (HOL)-Hoggaamiyaha isbahaysiga Amani National Congress ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi ayaa dawlada Kenya ugu baaqay in ciidamada Kenya ee KDF ay kasoo saarto dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in hadal haynta celinta qaxootiga Dhadhaab uu go'aaminaayo in Soomaaliya ay xasilloontay iminka isla markaana ay tahay in haatan ay arintaa ku xigto soo celinta ciidamada Kenya ee Soomaaliya jira.

“Dawladu waa inay u sharraxdo Kenyanka sababta aan ciidamadeena ugu sii heyneyno halkaa hadii dalkaasi uu badbaado leeyahay oo qaxootigaa ay ku laaban karayaan,” Mudavadi ayaa sidaa yiri.

“Hadii qaxootigu ay xaalada Soomaaliya ka jirta iminka ku badbaaadi karaan, waa maxay waxa askarteenu ay Soomaaliya ka qaban doonaan?”Intaa ayuu raaciyay.

 

Wuxuu sheegay in Kenya ciidamadeedu aysan u galin Soomaaliya inay cid arinkaa ku farax galiso balse ay ciidamadeedu u galeen in wadanka Kenya laga badbaadsho gardarro dibada uga timaada.

Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya 2011 kadib markii Kenya ay sheegtay in Al-shabaab dabley ka tirsan oo fariisimo ku leh Soomaaliya ay inta Kenya soo galaan dalxiiseyaal ka af duubtaan.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.