4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2016
Heshiis Dhexmaray Turkiga iyo Israa'il

Isniin, Juun 27, 2016 (HOL)-Dawladaha dalalka Israa'il iyo Turkiga ayaa wada gaaray heshiis ay kusoo ceshanayaan xiriirkoodii kadib markii dhowr sano ka hor ay isku xumaadeen.

Xiriirka labadaa dal ayaa xumaaday kadib markii ay ciidamada Israiil weerareen kuna dileen dhowr qof oo Turki ah maraakiib gargaar u siday falastiiniyiinta oo laga lahaa Turkiga.

Dadkaa Turkiyiinta ah ee ay laayeen dhowr sano ka hor ayaa waxay tiradoodu dhammayd 9 qof.

Waxaa ay dadkaa la dilay saarnaayeen maraakiib gargaar u siday marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. 

Is maan dhaaf ayaa dhaliyay in dhacdadaasi dhacdo kadib markii ciidamada Israaiiliyiintu ay qasab ku galeen maraakiibtaa si ay u hubiyaan bal in hub ay u sideen Falastiiniyiinta iyo in kale.

Markii ay maraakiibtaa soo galeen ciidamada Israil ayaa waxaa halkaa ka dhashay rabshad dadkaa Turkiyiinta ah lagu dilay. Dadkaa dhintay ayaa ahaa shaqaale gargaar baniaadminimada ah bixin jiray.

Turkiga iyo Israaiil ayaa waxaa lagu wada inay shaaca ka qaadaan qodobada ay ku heshiiyeen maanta.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]