4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2016
Dowladda Britain oo lagg doonayo inay si dhaqso ah u Meel-mariso Hanaanka ka Bixitaanka EU-da

Isniin, June 27, 2016 (HOL)-Dalka Ingiriiska oo badi dadkiisu u codeeyay Khamiistii in dalkooda laga saaro Midowga Yurub (EU) ayaa haatan waxaa dalalka midowga Yurub madaxdiisu ay doonayaan inuu dalkaasi dadajiyo hannaanka kama dambaysta ah ee uu uga baxayo midowgaa. 

Khamiistii aanu soo dhaafnay in ka badan 50% ayaa u codeeyay dadkii loo diiwaan galiyay afti in dalkooda Ingiriisku uusan kasii mid ahaan midowgaa.

Sidoo kale waxaa arintaas oo doodo kulkulul ka abuudhay Yurub ay madaxda Yurub ugu dambeyn isla qaateen in hadiiba sidaa ay dadka Ingiriisku u codeeyeen durba  midowgaa ay ka baxaan. 

Dhaqaalaha ayaa la saadaalinayaa inuu hoos u dhac kuyimaado dunida oo dhan gaar ahaan Ingiriiska iyo qaarada Yurub guud ahaan oo dheelitirka xiriirkooda ganacsi ay arintaasi saamaynayso.

Durba waxaa la dareemay hoos u dhac ku yimid sarifka lacagaha gaar ahaan giniga Ingiriiska oo marka loo eego doolarka hoos u dhacay.

Dalka Ingiriiska ayaa tobanaan sano ka tirsanaa Midowga Yurub ka hor intii uusan asbuucii lasoo dhaafay go'aansan inuu midowgaa gebi ahaanba isaga baxo.

Aaden M Warseme
Hiiraan Online
[email protected]