4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2016
Kenya: Askari Boolis ah oo Lagu Dilay Xaafada Islii, Nairobi

 

 

Axad, Juun 26, 2016 (HOL)-Nin booliska Kenya ka tirsanaa ayaa maanta waxaa burcad ay ku dishay xaafada Islii ee Nairobi Kenya kadib markii asagoon ka war heyn uu raac is yiri gaari ay afduubteen burcad ku hubeysnaa bastoolado.

Burcada ayaa waxay soo dhaceen baabuur caasi ah oo nooca matatu looga yaqaano Kenya ah ee dad weynaha qaada waddada Juja Rd.

Ninkaas oo gaaray darajada Saajinka ayaa waxaa lagu magacaabay C/Caziiz Xuseen wuxuuna ka tirsanaa xerada  Eastleigh Airbase Chief Camp.

Dhacdadaa lagu dilay ninkaa booliska ahaa ayaa waxay gaar ahaan ka dhacday nawaaxiga St Teresa’s abbaare 11 barqonimo sida boolisku uu sheegay.

Biliiska ayaa sheegyay in sargaalkaa oo ka tirsanaa qeybta loo yaqaano AP ee  booliska Kenya oo burcadaasi 3 xabadood ay ku dhufteen inuu shaqada markaa mar u dhow bogay uuna doonayay inuu gaarigaa u sii raaco dhanka gurigiisa.

Gaarigaa ayaa waxaa ilo-wareedyo sheegeen in burcadu kasoo dhacday dhanka xaafada Kariokor oo ah xaafad ay Islii isa saaran yihiin waxayna markii uu soo galay askarigaasi burcadu ku mashquulsanaayeen baarashada rakaabkii gaarigaa saarnaa intaa kadibna waxay ogaadeen inuu ninkaasi boolis ahaa walow uusan hubeysnayn markaas. 

Nin daggan xaafada Islii ayaa sheegay in waqtigii fal dambiyeedku dhacayay uu ninka booliska ahi xirnaa jaakad uu ka dul gashaday dareeska booliska arintaas oo dhalisay inay ninkaa gaariga dhexdiisa ku toogtaan dabadeedna ay gaarigii ka dageen lugna ay ku baxsadeen.

Biliiska ayaa xaqiijiyay in C/Caziiz Xuseen oo kasoo jeeday degmada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya uusan hubeysnayn waqtigaa la dilaayay maadaama uusan shaqo kujirin.

Darawalkii gaarigaa ayaa sheegay in markii la toogtay askariga ay rakaabkii qeylo afka ku shubteen dabadeedna burcadii ay inta gaariga ka dageen ay cagaha wax ka dayeen.

Wuxuu intaa ku daray in markii uu gaariga joojiyay uu arkay ninkii askariga ahaa oo meyd ah.