4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2016
BELEDWEYNE: Odayaal iyo Waxgarad eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh [DAAWO]
Axad, Juun 26, 2016 (HOL) Kaddib shir jaraa'id oo ay Maanta ku Qabteen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu fara-galin ku hayo dhaqanka Beesha.

Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoon-yahannadii ka hadlay Shirkan jaraa'id, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud soo Fara-galiyo Dhaqanka Sida ay Hadalka u dhigen soo jireenka ah ee Beesha, Kaddib markii Liiska 135 Oday-dhaqameed ee soo xulaya baarlamaanka lagu soo darray shaqsi sidda ay hadalka u dhigeen lagu Tilmaamay inuu yahay Ugaaska Beesha, Arrintaas oo ay ku Tilmaameen waxba kama jiraan iyo been Abuur meel ku dhac ku ah Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Federaalka, Madaama Ugaaska Rasmiga ah uu yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Shirkan Jaraa'id, ayaa Sidoo kale - Waxaa lagu qaadacay Go'aamada Madasha Wada-tashiga Qaran ee fadhigiisii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa imanaya kaddib markii qaar ka mid ah bogaga Internet-ka lagu shaaciyay liiska 135 Oday-dhaqameed oo la sheegay inay soo xulayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub ee Somalia, Waxaana liiskaa ka soo dhax muuqday xubin ku magacaaban in uu yahay Ugaaska beesha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya