4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2016
MADAXWEYNAHA: Waan Qiraynaa in laga galay khaladaad WALAALAHEEN Gobollada Waqooyi

Axad, Juun 26, 2016 (HOL)
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka Qayb-galay Munaasabad lagu xusayay 56-sano guuradii kasoo wareegtay xorriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee 26-ka Juun, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xafladda 26-ka Juune oo ka dhacday xalay Muqdisho ayuu sheegay in Halgameyaashii Xorriyadda ay Waddanka Taariikh wanaagsan iyo midnimaba u horseedeen, balse khaladaad dhinaca maamulka dowliga oo dhacay ay dhaawaceen midnimadii iyo wadajirkii ummadda.

"Somalia Waddan ahaan ma fashilmin, ummad ahaana ma fashilmin, laakiinse Siyaasadda ayaa naga yara xumaatay, taasina waxay dhashay waxaanu ku suganahay maanta. Balse weli waanu nool nahay, Waxaana Waajib nagu ah inaan saxno khaladaadkii dhacay si aan u soo celino haybaddii iyo sharaftii ay Soomaaliya lahayd,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa intaas ku daray in shacabka ku nool gobolada waqooyi ay horay u muujiyeen Soomaali jaceyl iyo midnimo jaceyl, iyagoo wax walba ka hormariyey midnimada dalka.

"Walaalaheen ku nool Gobollada Waqooyi, Waxay kaalin weyn ka qaateen in Midnimadda ay dhalato, iyagoo weliba aan wax Shuruud ah ku xirin. Waxay Taasi muujineysaa heerka ay ka taagnaayeen inay arkaan Soomaali oo mid ah. Waan qiraynaa in qaladaad ay dhaceen, dhibaatana loo gaystay xornimada kaddib. Khaladaadkaasna waxaa saldhig u ahaa Siyaasadda iyo Nidaamka dowliga oo naga xumaaday. Waxaan mar kale diyaar u nahay inaan muujino garowshiyo, daweynta Nabarada soo gaaray iyo inaan ka fogaanno wax allaale iyo wixii khatar gelin kara Wadajirkeenna iyo Wada-noolaanshaheena,’’ ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto marxalad dib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda, iyadoo la hirgeliyay nidaam federaali ah oo xukunka lagu baahinayo oo loo arkey mid xal u noqon karta mashaakilka siyaasadeed ee dalka.

"Waa inaan dhisnaa Tiirar adag oo Wax ka tari kara Mustaqbalka Siyaasadda ee Waddankeenna. Waa inaan iska ilaalinaa in mar kale aan ku dhacno qaladaadka aan horay u sameynay ee dalkeena burburka u horseeday. Midnimadii Waqooyi iyo Koonfuur dhaawac Siyaasadeed ayaa soo gaarey, Balse Dadka Soomaaliyeed oo Dhan ayaa Maanta u baahan in Dib loo mideeyo Maadaama Dagaalladii Sokeeye ay dhaliyeen is-aaminaad darro iyo kalsooni xumo."

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka shaqeeyaan Horumarka, Nabadda iyo Midnimada dalka. Munaasabadda 26-ka Juun awgeed, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Saakay ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya