4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2016
Deeq ka timid dowladda Cumaan oo la gaarsiiyay dadka danyarta ah ee ku dhaqan Kismaayo


Axad, Juun 26, 2016 (HOL) - Deeqdan oo ka koobnayd, bur, Bariis iyo Saliid ayaa la gudoonsiiyay qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Kismaayo, ayadoo ay ka timid dowladda Cumaan.

Boqollaal qoys oo dadka reer Kismaayo ah ayaa ka faa’ideystan deeqda ka timid dowladda Cumaan, ayadoo ay ka qeeybinayeen masuuliyiinta rugta ganacsiga Jubaland ee JCCI.

Sheekh Max’ed oo ay dowladda Cumaan usoo wakiilatay deeq qeybinta ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruuc ay dowladda Cumaan dooneeyso in ay ku afuriso dadka danyarta ah ee ku nool gobollada dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa uga mahadceliyay dowladda Cumaan deeqda ay soo gaarsiisay dadka reer Kismaayo, isagoo sheegay in ay kusoo beegantay xilli aad loogu baahnaa.

Wasiir kuxigeenka maaliyadda Jubaland Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo goobtii raashiinka lagu qeeybinayay ka hadlay ayaa dowladda Cumaan ku amaanay sida ay had iyo jeer u garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in deeqdan la gaarsiin doono qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dowladda Cumaan ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee marka la gaaro bisha Barakeeysan ee Ramadaan deeqaha raashiinka ah soo gaarsiiyay shacabka Soomaaliyeeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.