4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2016
SAWIRRO: Ganacsatada Soomaalida ee Koonfur Afrika oo ka Cabanaya Boobka Ganacsiiyadooda


Axad, Juun 26, 2016 (HOL)
Tuulooyinka Hoos-yimaada Magaalo-madaxda Dalka Koonfur Afrika ee Pretoria oo ay ka dhaceen boob hantiyeed oo loo geystay ganacsiyada dadka ajaanibta ah, ayaa lagu boobay in ka badan 300 oo Dukaan oo ay Soomaali leedahay, iyadoo lagu Dhaawacay ku Dhawaad 20 ruux oo ganacsato ah, kuwaasoo labo ka mid ah ay dhaawacyadoodu aad u liitaan.

Xilliyadii uu boobku socday, ayaa Tuulooyinkaas waxaan kula kulanay qaar ka mid ah ganacsatada la boobay, kuwaas oo noo xaqiijiyay in Hantidii ay ku waayeen Boobka, ayna la baxsadeen Noloshooda halka qaarkoodna goobaha ganacsi agu dhaawacay intii uu boobku socday.

Sidoo kale, Ganacsatada Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay oo aanu wax ka weydiinay dareen ahaan waxay qabaan, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin Walaalahooda lagu boobay Magaalada Pretoria ee ku hanti waayay laguna waxyeeleeyay qaarkood, waxayna xuseen inay taasi tahay Rajo-xumo ay kala kulmayaan Koonfur Afrika oo muddooyinkaan dambeba ay shacabkiisu caadeysteen inay dhac iyo boob iskugu daraan Ajaanibta ku dhex nool oo ay Soomaalidu ugu horreyso.

Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika, C/llaahi Mahdi Bashiir ayaa isagana ka warbixiyay khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay tuulooyinka uu ka dhacay boobka inay ahaayeen meel ay dhaqaalo ahaan Soomaalida Koonfur Afrika ku tiirsanaayeen, iyadoo boobkaan loo sababeeyay inay u sameeyeen shacabka dalka Koonfur Afrikanka khilaaf Dowladda Koonfur Afrika Dhexdeeda ka taagan ee ka Dhashay Bbeddelidda Duqa Magaalada Pretoria.

Ugu dambeyntii, Boobkaan Ganacsi ee Soomaalida loo geystay Wakhtigaan, ayaa sababay inay tiro ka badan 1,000 Ganacsato oo Soomaaliyeed ah ay ku Hanti iyo Shaqo beelaan boobkan, iyadoo Dhaqaale ahaanna la Qiyaasayo inay uga luntay Boqollaal kun oo Doollarka Mareykanka ah.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: [email protected]  
Pretoria, Dalka Koonfur Afrika