4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2016
Kenya: Isbahaysiga Amani National Congress (ANC) oo Shir Ku Qabtay Nairobi

Axad, Juun 26, 2016 (HOL)-Xalay ayaa shir si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa magaalada Nairobi ku qabtay isbahaysiga siyaasada ee Amani National Congress (ANC).

Isbahaysigaa ayaa waxaa hoggaamiya Musalia Mudavadi oo ah siyaasi reer Kenya ah kana soo jeeda dhanka galbeed ee dalka Kenya.

Sidoo kale ayaa waxaa ku xigeen u ah nin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Cabdi Yare oo ah siyaasi muddo dheer ku soo jiray siyaada Kenya.

Xisbigaa ayaa waxaa ay doonayaan xubnihiisu inay la tartamaan isbahaysiyada waaweyn ee dalka Kenya ka jira sida Jubilee iyo CORD gaar ahaan doorashada lagu wado inay dhacdo sanadka soo socda ee 2017-ka.

Sidoo kale ayaa waxaa haatan uu wadaa isbahaysigaasi olole uu ku kasbanaayo taageereyaal badan oo ka soo jeeda dhammaan daafaha dalka Kenya si uu isugu dayo inuu ku guuleysto doorashada Kenya kadhici doonta sanadka fooda nagu soo haya ee 2017.

Xafladii xalay Nairobi ay ku qabteen ayaa waxaa masuuliyiinta isbahaysigaasi kula kulmeen Muslimiinta Kenya gaar ahaan masuuliyiin badan oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya kuwaasoo lagu casuumay af fur ayadoo haatan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaa goobtaa ka hadlay oo khudbado ka jeediyay siyaasiyiin badan oo ANC ka tirsan gaar ahaan hoggaamiyeyaasha ANC.

Ugu dambayn ayaa waxaa halkaa ka hadlay isla markaana himilooyinkooda soo bandhigay Musalia Mudavadi iyo ku xigeenkiisa Cabdi Yare ayagoo sameeyay ballan qaadyo badan oo kusaabsan waxyaabaha ay doonayaan inay dadka reer Kenya u qabtaan hadii ay doorashada sanadka soo socda ay ku guuleystaan gaar ahaan ummada Muslimiinta ah ee reer Kenya.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.