4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Dagaallo Khasaare Nafeed dhaliyay oo Maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka SOOL


Sabti, Juun 25, 2016 (HOL)
Dagaallo Xooggan oo laba Beelood ku Dhex-maray Maanta Dulleedka Tuulada Dhumay oo 40-km galbeed kaga aadan degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la og-yahay Lix ruux oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalladu u dhexeeyeen ayaa ku dhintay, halka 16 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaalladan ayaa daba-socday dagaallo hore oo deegaanno kala duwan ku dhexmaray labadan beelood, iyadoo illaa hadda xal loo la'yahay joojinta dagaalladan.

Ciidammo tiro badan, ayaa la geeyay deegaanno dhawr ah oo ay Beelahani wada-degaan, kuwaasoo la sheegay inay baajiyeen isku dhacyo kale oo beelahaan ku dhexmara deegaannadaas.

Sidoo kale, Dadka ku dhintay Colaaddaan ayaa gaadhaya 60 ruux iyo dhawacyo intaas ka badan, mana muuqato nabad kasoo muuqata, iyadoo Dhawacyadii Maanta la soo Gaarsiiyay Isbitaalka Laascaanood iyo kan hay'adda Manhal.

Ugu dambeyntii, Dagaalladan ayaa walaac wayn ku haya bulshada Gobolka Sool, iyadoo ay dad badan qabaan in Dagaalladaan ay gacmo Siyaasadeed ku milan yihiin, Waxaana horay loogu Guul-darreystay isku-dayo Nabadeed oo lagu doonayay in Cooladahaan lagu Joojiiyo.

Synab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool