4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
SAWIRRO: Wararkii u Dambeeyay ee Weerarkii Hotel Naasa Hablood iyo khasaarihii ka dhashay

Sabti, Juun 25, 2016 (HOL)
Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen Labaatameeyo Ruux, Weerarro culus oo ay Maanta  Hotel Naasa Hablood ee Muqdisho la beegsadeen Xoogag ka tirsanaa Al-Shabaab.

Kooxahaan Hubeysan, ayaa hoteelka ku Weeraray laba Qarax, iyadoo Xoogag kale oo Hubeysanna ay gudaha u galeen Hoteelka, iyagoo Gudaha Hoteelka ku toogtay dhawr qof, ka hor intii aysan Ciidanka Dowladda Somalia ku guuleysan inay soo af-jaraan Weerarka.

"Waxaan ku guuleysannahay inaan weerarka soo gaba-gabeynno, ruuxii ugu dambeeyay ee kooxihii Weeraray ka mid ahaanna Waxaanu ku dilnay Dabaqa ugu Sarreeya Hoteelka," ayuu yiri Maxamed Xuseen oo ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska Somalia oo la hadlay Warbaahinta.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray. "Waxaanu idiin Xaqiijin karnaa Dhimashada in Dad ka badan 15 Ruux. Qaarkood waxay dhaawac ahaan ugu dhinteen Isbitaallada." Wararka ayaa intaas ku daraya in Dadka dhintay ay ku jireen Wiil Dhakhatar ahaa oo uu Dhalay Dr. Shahiid oo Sannadkii 2009-kii lagu dilay Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow iyo Haweeney Qaad Iibinaysay.

Ciidanka Amniga Dowladda Somalia, ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay dileen dhamaan kooxihii Weeraray Hotel Naasa Hablood, inkastoo aan weli la ogeyn inta ay ahayd Tiradooda. Afaafkiisa hore ee Hoteelka ayaa waxaa yaallay tiro dad ah oo Weerarka ku dhintay, kuwaa oo isugu jiray dad shacab ah iyo ilaaladii hoteelka. Waxaana ku jiray Dadkaan Dhintay uu xirnaa direyska ciidamada millateriga Dowladda Soomaaliya.
Goob-jooge Magaciisa ku sheegay, Cali Maxamed - ayaa isagana Warbaahinta u Sheegay in Kooxaha hubeysan ee Hoteelka galay ay Toogteen Waardiyihii Hoteelka, iyagoo sidoo kalena rasaas ku furayay ruux walba oo ay arkaan.

Mas'uuliyiinta Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ah ee Muqdisho ayaa iyaguna sheegay inay goobta ka qaadeen dhaawacyada illaa Tobaneeyo ruux oo qaar kamid ah ay qabeen dhaawacyo culus.

Dhanka kale, Dhismaha Hoteelka iyo dhismayaasha ku dhaw-dhaw oo ay ku jirto kaalin Shidaal ayaa waxaa soo gaaray Burbur aad u Xooggan, Wuxuuna weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay Al-shabaab ka fuliso Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan.

Ugu dambeyntii, Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo dad kale oo rayid ahaa oo hoteelka ku sugnaa markii la weerarayay ayaa la sheegay in goobta si dhaqso ah looga saaray, inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Si kasta ha ahaatee, Al-shabaab ayaa 01-dii bishan Juun, 2016-ka, Waxay weerar noocan oo kale ah la beegsatay Hotel Ambassador oo aan ka fogeyn Naasa Hablood Hotel, halkaasoo ay ku dileen tiro dad ah oo ay ku jireen Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya