4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
DAAWO: Axmed Madoobe oo fariin u diray reer Somaliland

Sabti, Juun 25, 2016 (HOL) — Madaxweeynaha Jubaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa hambalyo ku aadan 26-ka Juun oo ku beegan maalinta berito ah u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka degan gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Axmed Max'ed Islaam ayaa sheegay in 26-ka Juun ay ahayd maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Soomaaliland in ay xusaan maalintan weyn.

"Walaalaheen reer Waqooyi, qolyaha reer Somaliland waxaan leeyahay, bahasha maalmo danbe oo aan sameeynay mecno inooma sameeyneeysee teenii hore aan dib ugu noqonno, inagoo 60-kii joogno kasoo qaadno, waayo waayo aan xusuusanno, xalay dhalay aan ka dhigno, wixii dhexda soo maray dhanna ha layska ilaabo," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu ku amaanay shacabka reer Somaliland in ay kaalin ku lahaayeen halgankii gobanimadoonka Soomaaliya, hadana la doono in ay iska ilaabaan wax walba oo hore u dhacay oo ay soo nooleeyaan midnimadii Soomaaliweyn.

Somaliland ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga go'i lahayd Soomaaliya, walow ay soconayaan wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaa oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

Halkan ka daawo Muuqaalka;


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.