4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Cudurka Shubanka oo ka Dillaacay Degmada Beledweyne iyo Deegaanada kale ee ku Dhaw


Sabti, Juun 25, 2016 (HOL)
Madaxa qaybta gargaarka deg-deg ah ee Isbitaalka guud ee Degmada Beledweyne, Dr, Khadar Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in ku dhawaad bil gudaheed isbitaalka la dhigay 259 bukaan ah oo sida uu hadalka u dhigay ka cabanaya ama uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada Beleweyne iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dr. Khadar ayaa sheegay in dadkan ka cabanaya cudurka shubanka 98 ruux oo ka mid yihiin Carruurta da'doodu ka yar tahay Shnta Sano, isagoo intaas ku daray inay jiraan dad da'ah oo siddoo kale cudurkan uu ku dhacay.

Sidoo kale, Bukaannadaan, ayuu sheegay in loo sameeyay Dhamaanba gargaarkii caafimaad oo ay u baahnaayeen marka laga raabo ayuu yiri ilaa afar ruux oo kiiskan ugu geeriyootay isbitaalka.

Afarta ruux ayuu sheegay in ay geeriyoodeen kaddib markii la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud iyagoo ku jira xaalad khatar ah iyo fuuq bax muddo dheer ay wajahayeen taasoo keentay inay xamili waayaan dawadii ay u baahnaayeen.

''Marka laga soo tago magaalada Beledweyne meelaha kale ee dadkan laga kala keenay ayaa waxaa ka mid ah deegannada Halgan, Booco, Ceel-gaal iyo deegaanka Baardheere ee duleedka magaalada'' ayuu yiri Dr Khadar Axmed C/llaahi.

Sababta ugu weyn ee dhalisa Cudurkaan ayay Dhakhaatiirtu ku sheegeen Biyo-nadiif aan aheyn oo la cabo iyo wasaqdii ka dhalatay fatahaadii dhawaan ku dhufatay Magaalada oo horayba looga sii digay cuduro ka dhalan kara.

Ugu dambeyntii, Inkastoo isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne uu qabanayo howlaha baaxadaa le'eg, hadana dhinaca kale waxaa jira dawo la'aan uu wajahayo isbitaalka, iyadoo bukaanada intooda badan ay dawooyinka kasoo iibsadaan Farmashiyayaasha Gaarka loo leeyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya