4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
SAWIRO: Tababar kor loogu qaadayo Luuqada Carabiga oo furay Ardayda Jaamacada Muqdisho

Sabti, Juun 25, 2016 (HOL)
Munaasabad lagu Daah-furayay Tababar kor loogu qaadayo Kobcinta Luuqadda Carabiga oo socon doono muddo laba bilood ah, ayaa lagu qabtay Machadka Luuqadaha ee Jaamacadda Muqdisho Sabtida maanta ah.

Furitaankii Tababarkan, Waxaa hadal ka jeediyay Maamulaha Machadka Luuqadaha ee Jaamacadda Muqdisho, C/weli Sheekh Maxamed oo u mahad-celiyay ardayda tababarka u billaabanayo, isagoo ku dheeraaday Qiimaha ay leeyihiin Luuqadaha, Wuxuuna sheegay in Luuqaduhu yihiin furaha Cilmiga, isagoo kula dardaaramay ardayda inay waqti ku bixiyaan kana faa'iídaystaan.

Sidoo kale, Cali-daahir Maxamed oo Mas'uul kasoo noqday Akaadeemiyadda Jaamacadda Muqdisho, ayaa isna goobta ka sheegay in Ardaydan 80-ka ah laga soo xulay sagaalka kuliyadood ee Jaamacadda ay ka kooban tahay; isagoo ku boorriyay ardayda inay xil gaar ah iska saaraan sidii ay uga faa'iidyesan lahaayeen fursadan, laguna bixin doono Shahaado Caddeynaysa inuu soo qaatay Ardaygu Tababarkan kor loogu qaadayo Luuqadda Carabiga.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay mid ka mid ah macalimiinta Jaamacada, ahna Macalimiinta loo xulay inay Ardaydan wax-baraan Dr. Shidde Cali Kabe isgaoo sheegay in barashada luuqadda Carabiga ay tahay shay muhiim ah; wuxuuna tusaale u soo qaatay in dalka Somalia uu ka mid yahay Jaamacadda Carabta iyo waliba ururka Islaamka, dhamaantoodna looga hadlo Carabiga.

Dr. C/shakuur Sheekh Xasan Fiqhi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliya ayaa isna goobta ka sheegay in tababarka uu yahay fursad qaali ah; mudana in laga faa'iideysto, isagoo xusay in Luuqadda Carabiga aan waddamo badan oo carab ah kaga fiican nahay, taasoo ku suuro-gashay in Shacbiga Somalia lagu soo tarbiyeeyay illaa xilligii Dugsi Qur’aanka.

Xafladda gunaanadkeedii ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan), isagoo u mahad-celiyay machadka luuqadaha Jaamacadda Muqdisho iyo Kulliyadda Aadaabta (Arts) Maamulkeeda iyo Macallimiinteeda.

"Luuqadda Carabigu, waxay inoo leedahay muhiimad Gooni ah; sababtoo ah waa luqada uu Qur'aanka Kariimku kusoo dagay," ayuu hadalkiiisa ku yiri Dr. Liibaan. Wuxuuna intaas ku daray in inta Ruuxu ku dhaw yahay Carabiga uu si wanaagsan u baranayo Diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, Dr. Liibaan ayaa Ardayda kula dardaaramay inay si aad u wanaagsan u faa'iideystaan fursaddan qaaliga ah, Wuxuuna caddeeyay inuu Tababarkan uu furan yahay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya