4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Madaxweynaha DF oo soo Gunaanaday Shirkii Madasha Doorashada ee ka Socday Baydhabo


Sabti, Juun 25, 2016 (HOL)
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa goor-dhaw kusoo xiray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ka dhici doona dalka 2016-ka, iyadoo saacadaha soo socda la shaacin doono War-murtiyeedka Shirka.

Waxaa shirka lagu waday in shalay lasoo gaba-gabeeyo ayaa dib u dhacay, kaddib markii ay ku kala kaceen shirka Madaxda Soomaalida, Lakiinse kulammo Xalay oo dhan socday ayaa lagu dhameeyay Qodobbadii isku khilaafsanaa oo dhan.

Sidoo kale, Saacadaha soo aaddan ayaa lafilayaa in lasoo saaro War-murtiyedkii Shirkaan - Dhowrka Maalmood socday laga soo saaray, waxaana Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed uu isla maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Hoggaamiyeyaasha Somalia, ayaa Qodobbadii ay ku heshiiyeen Waxaa ka mid ahaa; in Baarlamaanka cusub ay soo xulaan 135-kii oday ee horay u soo xulay baarlamaankii Sannadkii 2012-kii iyo Xubnihii Geeriyoodayna lagu bedelo xubno cusub.

Dhanka kale, la isku raacay dhaqaalaha ku bixi doonta Doorashooyinka oo lagu wado in ay ka dhacaan Magaalooyinka Maamul-goboleedyada Soomaaliya, halkaasoo laga soo xulayo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii, Shirkaan ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee Madaxda Somalia ay ka yeeshaan Doorashooyinka Somalia ka dhacaan dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya