4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Wasiirada cusub ee Xanaanada Xoolaha, Ganacsiga iyo dhalinyarada Jubaland oo xilalka la wareegay


Sabti, Juun 25, 2016 (HOL) — Munaasibaddan oo ay xilalka kula wareegayeen wasiirra cusub ee wasaaradaha xanaanada xoolaha, ganacsiga iyo wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, ayadoo munaasibadda xil wareejinta uu goobjoog ka ahaa madaxweeyne kuxigeenka 1-aad mudane Max’uud Sayid iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay wasiir kuxigeenkii hore ee wasaardda xanaanada xoolaha Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Shaafici oo xilka wasaaradda ku wareejinayay wasiirka cusub ee xanaanada xoolaha Jubaland Mudane Max’ed Nuur Buulle.

Mudane C/laahi Sheekh Shaafici ayaa ka warbixiyay waxqabadka wasaaradda beeraha mudadii ay dhisnayd, isagoo sheegay in ay kasoo bilaabeen meel eber ah, maanta ay wasaaraddu xafiisyo ku leedahay qeybo badan oo ka tirsan deegaanada Jubaland.

Waxa uu dukumintiyadii wasaaradda ku wareejiyay wasiirka cusub ee xanaanada xoolaha Jubaland.

Mudane Max’ed Nuur Buulle Dhaay oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay masuuliyintii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha Jubaland, isagoo ku amaanay waxqabadkooda mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen, wuxuuna ballanqaaday in uu halkeeda kasii wadi doono howsha ay bilaabeen.

Wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Jubaland Fariid Jaamac Saleebaan ayaa xilka wasaaraddaasi kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Mudane Axmed C/xafiid Max’ed.

Waxaa sidoo kale iyaguna xilalka kula kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland Max'ed Ibraahim Max'uud iyo wasiirka cusub ee xilkaasi loo magacaabay Mudane Max'ed Awlibaax.

Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo goobjoog ka ahaa munaasibadda ay xilalka kula wareegayeen wasaaradaha cusub oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta xilalka wareejisay, oo uu ku amaanay in ay wax badan soo qabteen.

Waxa uu kula dardaarmay madaxda cusub ee xilalkaasi loo igmaday in ay waajibaadkooda kasoo baxaan islamarkaana u adeegaan bulshada reer Jubaland ee ay matalaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.