4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Shirkada Google oo Sheegtay in Google Gareynta Midowga Yurub (EU) ay Badatay

 

Sebti, Juun 25, 2016 (HOL)-Caalamka daafihiisa oo idil waxaa iminka la hadal hayaa u codeyntii dadka  Ingiriisku ay Khamiistii u codeeyeen in dalkoodu ka baxo Midowga Yurub.

Shirkada google ayaa haatan soo tebinaysa in ay korodhay tirada google gareynta ama ka daalacashada macnaha iyo arimaha la xiriira EU barteeda internetka.

Waxyaabaha aad dadku uga ogaanayeen google ayaa ah suaasha ah, 'maxaaa dhacaaya hadaan ka baxno EU?'

Waxaad moodaa in awal dadku aysan aad u raadin jirin una aqoon EU iyo sida uu u shaqeeyo balse markii uu dalkaasi Britain ka baxay hoos u dhac ku yimid lacagta Isarlinka ayaa dad badan oo reer Britain ah arinkaa ka shalaynayaan.

Weli saadaalin ayaa sheegeysa in caalamka oo dhan arinkaa dhaqaalihiisa uu saamayn doono oo durba hoos u dhac dhaqaale laga dareemay meelo badan oo caalamka ah.

Shirkada Google ayaa soo tebisay in dad badan oo reer Britain ah aysanba aqoon waxa EU uu u taagan yahay haatana ay un ku baraarugeen inay bartaan macnahiisa iyo qiyamkiisa.