4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Tartan qur’aan aqris ah oo oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo


Sabti, Juun 25, 2016 (HOL) —Tartankan qur’aan aqriska ah oo u dhexeeyay ardeyda wax ka barata dugsiyada xifdinta qur’aan kariimka ee magaalada Kismaayo ayaa intii uu socday waxa ay ardeydu ku tartamayeen 30-Juz, 15, Juz, 10 Juz iyo shan Juz, waxaana maanta lagu soo gabagabeeyay masjidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Maanta oo ay ardeydu ku tartameen shantii Juz ee ugu danbeeysay ayaa markii ay soo idlaatay waxaa warbaahinta la hadlay maamulaha mu’assasada Al-ummah C/rashiid Wali Ibraahim isagoo sheegay in maanta uu ku egyahay tartanka qur’aanka ee dugsiyada magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in tartankanka ay ka qeybgaleen ardey ka socotay 17 Dugsi oo lagu barto qur’aan kariimka oo ku yaal Kismaayo, isagoo sheegay in natiijada kama danbeysta ah ay soo gubdin doonaan maalinta Jimcaha ee foodda nagu soo heeysa islamarkaana abaalmarinno qaali ah ay gudoonsiin doonaan ardeyda kaalimaha hore gasha.

Maamulaha ayaa sheegay in tartanka ay gacan ka siineeyso dowlad gobleedka Jubaland.

Sanadkii hore ayaa ardeygii kaalinta 1-aad ka galay tartanka waxaa la gudoonsiiyay gaari nooca raaxada ah oo uu ugu deeqay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.