4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Dagaal ay Dadi ku Dhinteen oo Dharkeyn-geenyo ku Dhex-maray laba Beelood oo Walaalo ah


Sabti, Juun 25, 2016 (HOL)
Ugu yaraan Toddoba qof ayaa ku geeriyooday halka ay 10-kalena ku dhaawacmeen dagaal dhex-maray laba Beelood oo ka dhacay Deegaanka Dharkeyn-geenyo ee Hoos-tagta Degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii odayaasha labada dhinac ee dagaallamay ay ku fashilmeen inay heshiis ka gaaraan wadahadallo ku saabsanaa dagaal billowgii bishan ka dhacay deegaankaas oo u socday, iyadoo la sheegay inay ciidamada Liyuu Booliska ee DDS Itoobiya ay ku dileen 40-qof dad ka badan.

Maamulka Somalialnd ayaa Guddi u saaray dhameynta Colaadda u dhaxeysa Beelaha wada dega degaankaasi,waxaas eay ku laabteen Hargeysa iyaga oo aan ka mira dhalin Xaaladdii loo diray.

Ciidanka Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Dad rayid ah ku laayay degaanka Jaamac Dubbad oo ka tirsa Degmada Gaashaamo,waxaana arrintaasi sababtay in ay Colaad dhexmarto beelaha wada dega halkaasi ee Soomaalida ah.

Hiiraan Online, News Desk