4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2016
Midowga Yurub oo Kashiraaya Arinka Lasoo Darsay Midowgaa ee ah In Britain ay Ka Baxday Midowga

Berlin halkaa oo maanta ay ku shirayaan xubnaha muhiimka ah ee Midowga Yurub


Sebti, Juun 25, 2016 (HOL)-Waxaa maanta ku shirsan Berlin wasiirada amuuraha dibada ee dalal lix ah oo ayagu markii horeba dhidibada u aasay midwoga Yurub (EU) si ay uga wada hadlaan mustaqbalka midowgaa.

Madaxweynaha Yurub, Jean Claude Junker ayaa sheegay in loo baahan yahay in sidii ay uga bixi lahayd Britain hannaankeeda lasii amba qaado durba ee aan lala sugin inta Raisul Wasaare David Cameron uu xilka bannaynaayo bisha Oktoobar.

Dalalka lixda ah ee wasiiradooda arimaha dibada ay ku kulmayaan Berlin maanta ayaa kala ah Faransiiska, Jarmalka, Luxemburg, Netherlands, Italy iyo Belgium.

Waxay ka wada hadlayaan hannaanka Britain ay uga baxayso EU ayagoo doonaya in ay dadajiyaan Britian hannaankeeda ka bixitaanka midowga.

Waxay sidoo kale ka wada hadlayaan sidii loogu dhiirin lahaa dalalka kale inaysan ka bixin midowga sidii Britain.

Dadka Britain ayaa Khamiistii u codeyeey in dalkoodu ka baxo midowga Yurub.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]