4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2016
DAAWO: Wasiirro Xukuumada Somalia ka tirsan oo Maanta deeq DAWO ah gaarsiiyay Beledweyne

Khamiis, July 07, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo Wasiirka Caafimaadka, Maxamed Xaaji Cabdi-nuur ayaa Maanta deeq daawo ah gaarsiiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta Maamulka heer Gobol iyo Degmo ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka labada wasiir, iyagoo ku wareejiyay maamulka deeq dawo ah oo loogu talagalay in lagula Tacaalo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ay maalmihii ugu dambeeyay Tiradooda si weyn u sii korartay.

Wasiirka Caafimaadka, Maxamed Xaaji C/nuur, ayaa sheegay in ay farxad gaar ah u tahay safarka uu ku yimid Beledweyne, isagoo intaa raaciyay in wixii hadda ka dambeeyay xiriir wada-shaqeyneed Wasaaradiisu la yeelan doonto hawl-wadeennada Caafimaadka Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa dhiniciisa ka mahad-celiyay Jawaabta Wasaarada Caafimaadka ka bixisay wax ka qabashada xaalada caafimaad ee dadka cudurkan uu soo ritay.

Ugu dambeyn, Deeqdaan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay ee wasaarada Caafimaadka la soo gaarto Dadka Bukaannada ah ee qaba Cudurka Shuban-biyoodka kuwaasoo intooda badan xaaladooda caafimaad lagula tacaallayo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya