4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2016
Maxkamad xabsi daa’in ku xukuntay Mas'uuliyiin lagu helay Xasuuqii 1994-kii ka dhacay RWANDA


Khamiis, July 07, 2016 (HOL) — Maxkamad ku Taalla Waddanka Faransiiska, ayaa xabsi madaxaa-ha-ku-furto ah [Xabsi Daa'in] ku xukuntay maanta laba qof oo mas’uuliyiin horay uga soo noqday dalka Rwanda, kaddib markii lagu helay inay Qayb ka qaateen xasuuqii ka dhacay Rwanda Sannadkii 1994-kii.

Xubnahan la xukumay ayaa kala ah; Tito Barahira oo 65-jir ah iyo Octavien Ngenzi oo 58-jir ah, kuwaasoo maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay in ay gacan ka geysteen Xasuuqii Rwanda iyo falal dhan ka ah bani’aadamnimada.

Sidoo kale, labadan mas’uul ee hore ayaa lagu helay inay Hoggaaminayeen Xasuuq loogu geystay deeganka Kabarondo oo ku taalla bariga dalkaas - 2,000-qof oo qowmiyada Tutsi-ga kasoo jeeda, kuwaasoo magan-galyo ahaan u galay kaniisad deegaankaas ku taalla.

Weerarkaan, Kumannaanka qof lagu dilay ee ka dhacay deegaanka Kabarondo ayaa dhacay wax-yar kaddib markii lagu dilay madaxweynihii hore ee Rwanda Juvenal Habyarimana oo bambaano loogu xiray diyaarad uu saarnaa, taasoo ahayd sababtii ugu weynayd ee xasuuqa Rwanda dhalisay.

Qiyaastii 800,000-ruux oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Carruur intooda badan kasoo jeeday Qowmiyadda Tutsi-ga ayaa lagu dilay xasuuqaas, dilalkaas oo ay geysteen kooxo xag-jiriin ah oo kasoo jeeda Qowmiyadda Hutuu-ga.

Dadkii ka badbaaday Xasuuqii ka dhacay Kabarondo ee labadaan ruux loo xukumay, ayaa waxaa ka mid ahayd haweeney lagu magacaabo, Marie Mukamunana oo sheegtay inay ku wayday 7 Carruur ah iyo saygeedii, kuwaasoo ay sheegtay in lagu dilay baangado iyo bam-gameed.

“Mid ka mid ah kooxihii dilkan geysanayay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in lagu dilo dadka rasaas, balse ay ku dilaynaa baangado,” ayay Mukamunana hadalkeeda dartay.

Dhanka kale, Labadaan mas’uul ee xabsi daa’inka lagu xukumay maanta ayaa iska diiday dhammaan eedihii loosoo jeediyay. Iyadoo xukukanna uu noqonayo kii labaad noociisa oo Maxkamad ku taalla Dalka Faransiiska ay ku rido dad loo haysto xasuuqii Rwanda.

Ugu dambeyn, Maxkamad ku taalla Faransiiska ayaa laba sano ka hor Waxay 25-sanadood oo xabsi ah ku ridday, Cap. Pascal Simbikangwa oo saraakiishii hore ee Sirdoonka Rwanda ka tirsanaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya