4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2016
Ciidamada AMISOM oo la sheegay inay Somalia ka Baxayaan Marka la Gaaro Sannadka 2020-ka


Khamiis, July 07, 2016 (HOL) — Midowga Afrika ayaa maanta sheegay inay Ciidankooda ku sugan Somalia ee AMISOM ay billaabayaan inay Somalia ka baxaan bisha Oktoobar ee Sannadka 2020-ka.

Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ku wareejinayan Ciidanka Somalia goobaha muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan.

Qorshahan cusub ee ay ciidamada AMISOM kaga baxayaan ayaa qayb ka ah dib u eegista Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan oo uu Goluhu ku Ansixiyay kulankoodii 608-aad ee toddobaadkii hore ka dhacay Xaruntooda Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya.

Sidoo kale, Jadwalkan ay AMISOM uga baxay Somalia ayaa dhaqan-galaya, kaddib markii Al-shabaab laga saaro goobaha ay weli Maamulaan, isla mar ahaantaana lagu guuleysto dib dhiska iyo xoojinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

“Goluhu, wuxuu Meel-mariyay Barnaamijka CONOPS, kaasoo ah xoojinta iyo weliba dar-dar-gelinta hawl-gallada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya oo saldhig u noqonaya Hannaanka ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Somalia,” ayaa lagu yiri War-bixin uu goluhu soo saaray maanta.

Barnaamijka Conops, ayaa ah mid dib loogu eegayo hawl-gallada AMISOM ee Somalia oo la aasaasay sannadkii 2007-dii, si ay gacanta uga geystaan in Soomaaliya la xasiliyo.

“Waxaanu dhabaha u xaaraynaa Wakhtiyeynta ka bixitaanka AMISOM ee Somalia, taasoo Xudun u ah in Al-shabaab laga saaro Deegaannada ay weli Maamulaan inta aan la Gaarin Sannadka 2018-ka,” ayaa mar kale lagu yiri - Qoraalka uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Amniga Ururka Midowga Afrika.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa waxay qayb ka qaadan doonaan sidii ay ku suuro-geli lahayd doorashada la filayo in Sanadkan dhammaadkiisa ay ka dhacdo Somalia, sidoo kalena ay fuliyaan Qorshaha Caalamiga ah ee dib loogu dhisayo Ciidamada Xoogga Dalka, si ay hawsha ugala wareegaan kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn, Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay Waddamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya ku goodiyeen inay ciidamadood kala baxayaan Soomaaliya kaddib markii Midowga Yurub uu dhimay dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya