4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2016
Raisul Wasaaraha Israaiil oo Booqday Itoobiya


Khamiis, Luuliyo 07, 2016 (HOL)-Binyamin Natanyahu, raisul wasaaraa Israaiil ayaa booqasho ku maraaya haatan dalka Itoobiya asagoo maalmihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay booqday dalalka, Rwanda Uganda iyo Kenya oo uu shalay ka dhoofay.

Booqashada uu kutagay Itoobiya oo uu maanta kusugan yahay waxay ugu dambeysaa booqashadiisa qaaradaan Afrika.

Waxaa Binyamin Natanyahu  lagu wadaa inuu kala hadlo madaxda dalkaasi Itoobiya arimo dhowr ah sida Yuhuuda Falaashaha ah ee ku nool Itoobiya iyo noloshooda, xiriirka ganacsiga iyo xiriirka guud ee labadaas dal u dhexeeya.

Binyamin Natanyahu ayaa ah raisul-wasaarihii ugu horeeyay ee Israaiili ah ee soo booqda Afrika 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.