4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 7 , 2016
DOWLADA SOMALIA: Ma jiro kulan dhexmaray Madaxweynaha DF Somalia iyo RW Israa'iil


Khamiis, July 07, 2016 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan booqan Xarunta Israa’iil ee Tel Aviv, kaddib Warbixin uu maalin ka hor soo daabacay Wargeys kasoo baxa Israa’iil.

Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo dhex-maray RW Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh. Iyadoo War-saaxafadeedka wasaaradda lagu xusay in DF Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay Xoojiso Xiriirka ay la leedahay Caalamka.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia, waxay si aan habacsanaani ku jirin uga Shaqeynaysaa Xoojinta Xiriirka Dalalka Caalamka ee ay Danaha wadaagaan, Taasoo u adeegeysa danaha Qarankeena oo ay qayb ka yihiin Dalalka dariska iyo kuwa Isbaheysigu naga dhexeeyo,” ayaa lagu yiri bayaankan.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay Qoraalkeeda ku Xustay in Somalia ay si Guul leh uga soo gudubtay wakhtigii adkaa ee tagay, ayna u socoto xilli cusub oo horumar iyo deggenaasho leh.

“Xagashu waxay isku bedeshay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal wacan oo horumar leh. Sidaas darteedna, waxaa muhiimad u leh Somalia inay la ambaqaado howsha si wax-ku-ool ah dhamaan bah-wadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiiso-wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hor-tagidda Argagaxisada caalamiga, Dhiirri-gelinta Horumarka Dhaqaale iyo fududeynta Ganacsiga,” ayaa bayaanka mar kale lagu xusay.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay hadalkeeda ku dartay in Xukuumadda FS ay qiimeynayso Dhammaan bahda ay Dano-wadaaga yihiin, ayna si weyn ugu Dadaalayso u Saldhigidda xiriiro macna leh Dalalka isbaheysiga ah iyo kuwa cusub, iyadoo Ujeedku yahay Hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Bayaanka ayaa lagu yiri. “Wasaaraddu waxay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee Dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa’iil aanu qabsoomin.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya