4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2016
Cagaarshowga oo Noqday Cudur Ka Khatar Badan Aids-ka iyo Qaaxada

Xaquuqda masawirkaan/Daily Nation


Khamiis, Luuliyo 07, 2016 (HOL)-Cudurka Cagaarshowga ayaa noqday cudur aad dadku ugu dhintaan dhammaan daafaha caalamka asagoo sidoo kalena sababa curyaanimo. Sidaa waxaa sheegtay warbixin maanta laga soo saaray caasimada Paris ee dalka Faransiiska.

Cudurka Cagaarshowga ayaa haatan warbixintu sheegeysaa inuu dilo dad ka badan kuwa u dhinta cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, duumada iyo qaaxada.

Dadka u dhintay caabuq, beer xanuun iyo kansar ka dhashay cagaarshow fayras sababay ayaa tiradoodu korortay 63% taasoo ah min 890,000  sanadkii 1990 ilaa 1.45 m sanadkii 2013, waa sida lagu ogaaday dib u eegid arinkaa lagu sameeyay oo lagu sameeyay xisaabaadka arinkaa la xiriira ee 183 wadan.

Sanadkii 2013, AIDS waxaa u dhintay  1.3 m, cudurka qaaxada 1.4 m, cudurka duumadana 855,000, waa sida warbixintu dhigeyso.

Waxay warbixintu intaas ku dartay in tan iyo sanadkii 1990 dadka u dhinta duumada iyo qaaxada ay tiradoodu is dhimaysay halka dadka cagaarshowga u dhintana tiradoodu ay soo badanaysay.

Khaasatan sidaa waxaa qiray daraasada ninkii hoggaaminaayay arinkaa lagu sameeyay oo lagu magacaabo  Graham Cooke.

Cagaarshow waa xanuun asiiba beerka oo badanaa fayras uu keeno laakiin mararka qaarna ay keenaan isticmaalka aalkoloda, caabuqyo kale iyo xanuuno kale.

Waxaa jira shan nooc oo cudurka cagaarshowga ah kuwaasoo kala ah  A, B, C, D iyo E.

Sida laga soo xigtay ururka caafimaadka aduunka ee WHO, A iyo E waxaa laga qaadaa raashin wasaqeysan oo la cuno ama biyo aan nadiif ahayn oo la cabbo halka B, C iyo D laga qaado dhacaanka qof qaba cudurka oo qof fayoow jirkiisa gala (hadii uu liqo ama jirkiisa meel ka furan sida boog uu ka galo).

95%  dadka caalamku kama warqabaan khatarta cudurkaan sida warbixintu shaacisay.

96% dadka cudurkaa uu dilay-intii daraasada lagu sameeyay waxay u dhinteen noocyada B iyo C, sida cilmi-baareyashu ay sheegeen. Badi dadka u dhintay cagaarshowga waxay kasoo jeedeen bariga iyo koofurta qaarada Asia.

A iyo B tallaal ayay leeyihiin halka C uu leeyahay daawooyin ee uusan lahayn tallaal. Daawooyin cusub oo cagaarshowga lagu dabiibo ayaa aad qaal u ah oo bukaanadu aysan badi goyn karin daafaha caalamka oo idil.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]