4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2016
Dawlada Mareykanka oo Gacan Kageysan Doonta Celinta Qaxootiga Dhadhaab

Khamiis, Luuliyo 07, 2016 (HOL)-Dawlada Mareykanka ayaa qorsheyneysa gacan ka geysashada celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xeryaha Dhadhaab.

Waxay dawlada Mareykanku arinkaa ku caawin doontaa dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo QM oo arinkaa ku hawlan. Sanadkaan ayaa waxaa la qorsheeyay in la celiyo 150 kun oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo halkaa kunool.

Dawlada Mareykanka ayaa warkaan uu kasoo baxay saaka.

"Si qeyb ka ah cawimaadaan dheeraadka ah ayaa Dawlada Mareykanku waxay damacsan tahay inay gacan ka geysato baaq ka yimid QM oo gaar ah oo ku wajahan celinta qaxootiga Dhadhaab', sidaa waxaa tiri Margaret McKelvey, oo ah haweeney ah agaasimaha gargaarida Afrika ee Waaxda xisaabaadka la xiiriira Dadyowga, Qaxootiga iyo Socdaalka.

Baaqa gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale barnaamijyo dhowr ah oo kale dabooli doona, waa gudaha dalka Kenya sida Ms McKelvey ay sheegtay.

“Qof waliba waa uu fahamsan yahay daalka Kenya ay ku daashay marti galinta qaxootiga.” Intaa ayay raacisay ayadoo weliba sheegtay in qaar qaxootiga Dhadhaab ah la dajin doono sanadkaan Mareykanka si tirada qaxootiga ee xeryaha Dhadhaab loo dhimo Kenyana culeyska looga yareeyo maadaama in ka badan 25 sano ay heysay qaxootiga Soomaalida ah.

Waxay sidoo kale sheegtay in dalal kale ay qaadan doonaan qaar ka tirsan qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab oo haatan ah 325,000.

Waxaa waaxdaa ka tirsan dawlada Mareykanku ay sidoo kale soo jeedisay in dooq loo siiyo muwaadiniinta Kenya ee ayagu xeryaha Dhadhaab iska diiwaan gashay ama guursaday dad qaxooti ah oo Soomaali ah inay ama Kenya joogaan ama Soomaaliya ay aadaan.

Margaret McKelvey waxay kaloo sheegtay in Kenya ay celinta qaxootigaa usamayn doonto si bed qab ah oo sharaf leh.

 “Wali waxaanu aragnaa in xarakada Al-Shabaab ay ka taliso inta badan baadiyaha iyo waddooyinka gala magaalooyinka, magaalooyinka oo ayagu ammaan ah haatan.” Margaret McKelvey ayaa sidaa tiri. 

 “Adeegyada lasiin doono qaxootiga la celiyay durba kuma filnaan doonaan dabcan sidoo kalena lama mid ahaan doonaan wixii ay heli jireen markii ay qaxootiga ahaayeen,” sidaa ayay raacisay.

Laakiin waxay sheegtay in adeegyadu sii horumari doonaan markii qaxooti badan ay Soomaaliya ku laabtaan aminiga Soomaaliyana uu sida uu haatan yahay kasoo roonaado.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.