4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2016
Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ugu Hambalyeysay Soomaalida Ciid-ul-Fitriga

Khamiis, Luuliyo 07, 2016 (HOL)-Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo haatan fadhigeedu yahay gudaha Safaarada Mareykanka ee Kenya ee kutaal Nairobi ayaa farriin u dirtay Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ayadoo ugu hambalyeysay munaasabada Ciidul Fitriga oo shalay ahayd.

War murtiyeed shalay galinkii dambe ay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya soo saadhay ayaa waxay u dirtay Soomaalida farriin nabadeed iyo rajo waqtigaa Ciida.

'Bisha Ramadaan waxay ahayd waqti qoysaska, bulshooyinka iyo asxaabtu ay wadaagaan farxad isasoo booqasho iyo masaakiinta oo la caawiyo'. Sidaa ayaa war murtiyeedku sheegay. 

Sanadkaan, malaayiin Soomaali ah gudaha iyo dibada ayaa soomay ayadoo shalay ay ahayd Ciidii dabbaal dagga u ahayd dhammaadka waqtigaa barakeysan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.