4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
SAWIRRO: Xaafada Daarus-salaam ee Muqdisho oo Maanta Shacab fara badani ay ku Ciideen


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Kumannaan shacabka Muqdisho ah ayaa u Damaashaad tagay Maanta Xaafadda Daaru-salaam oo dhawaan laga hir-geliyay Magaalada Muqdisho.

Barxadda xaafadda Daaru-salaam oo ay maanta ku Tukadeen dad badan. kaddib Salaaddii ciidda, maamulka Xaafaddaas ayaa u sameeyay Bandhig lagu barayay qeybaha xaafaddu ay ka kooban tahay, kuwaasoo muujiyay rabitaankooda deegaan ee xaafadda dhowaan laga yagleelay Muqdisho.

Sidoo kale, Maamulka Xaafaddaas, ayaa u fududeeyay Dadka soo booqday Daaru-salaam, adeegyo madadaalo u badnaa oo ay ku jirto farad-fuul iyo goob laga cuntada nuucyadeeda kala duwan laga cuno.

Carruur iyo waalidkood ayaa safaf dhaadheer u galay helist tigidhada ay ku gelilahaayeen beerta lagu nasto ee Xaafadda Daaru-salaam, Halka gudaha Beertana ay buux-dhaafiyeen caruur farxadi ka muuqato wejiyadooda kuwaasoo ku ciyaarayay agab kala duwan oo lagu diyaariyay goobta.

Ugu dambeyn, Ciidaan ayaa ahayd mid si nabad ah looga tukaday dhamaan gobolada dalka iyadoo aaney jirin wax qilaaf ah oo la taaban karro, iyadoo si isku mid ah Somali oo dhan looga ciiday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya