4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Madaxweynaha oo Taliska Asluubta ku Amaanay soo Nooleynta Adeegyada Bulshada (SAWIRRO)


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta sheegay in xabsiga dhexe ee Xamar uu gudashada waajibaadka saxda ah ee loo igmaday ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ka muuqdo taasoo uu ku sheegay dhaqan-celinta maxaabiista ku xiran.

Xasan Sheekh, ayaa Hadalkaan ka jeediyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho - oo uu Booqday maanta, halkaasoo uu ku kormeeray qaybo ka mid ah xabsiga iyo adeegyada kala duwan ee ka socda.

“Is-xil-qaan iyo in la isku-tashado ayay ka dhalatay bilicsamida ka muuqata xabsiga dhexe ee Muqdisho. Waxaana halkaan ka baranaynaa Cashar la xiriira in ummad walba ay iskeed wax u qabsan karto, haddii ay Talo iyo Waxqabad la yimaadaan. Waxaana Hubaal ah inuu nidaamka iskaa wax u qabso uu noqon karo mid gacan ka geysta dib u dhiska dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa Xusay in Adeegyada ka jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay yihiin kuwo dhiirri-gelinaya in si hufan waajibaadyadii loo abuuray xabsiga ee ah dhaqan toosinta loo guto, sidoo kalena dhaqan-celinta Bulshada iyo in Ciqaabta ay mudnaayeen lagu mariyo kuwa sharciga jabiya ee dembi ay ku caddaato.

Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ku Ammaanay Taliska ciidanka Asluubta Somalia dadaalka dheeriga ah ee ku aaddan inuu dib ugu hawlgeliyay qaar ka mid ah warshadihii uu lahaa ee uu muujiyay, dib u soo nooleynta xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

“Maadaama dib loo Hawl-geliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliya, sida sameynta qalabka guryaha iyo xafiisyada, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidamada, waxay lagama maarmaan u yihiin in la dhiirri-geliyo wax soo saarka Somalia. Waxaan farayaa hay’adaha kala duwan ee dowladda gaar ahaan golaha wasiirrada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso inay soo saaraan xeer faraya in xafiisyada dowladda federaalka Somalia iyo dugsiyada ay dharka iyo qalabka xafiisyada iyo kuwa guryaha ka iibsadaan Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed,” ayuu madaxweynuhu yiri mar kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Tallaabadaasi ay Horseedi karto Shaqo-abuur iyo in la dhiirri-geliyo wax soo saarka gudaha. Isagoo si gaar ah ugu ammaanay Wasaarada Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Asluubta dadaalka ay ugu jiraan dib u habeynta hawlaha Garsoorka dalka iyo dhaqan-celinta bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la Dar-daarmay maxaabiis 93 gaaraya oo cafis loo fidiyay, isagoo ku boorriyay inay ka shaqeeyaan wanaaga iyo dib u dhiska Dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya