4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
WARBIXIN: Lahaanshaha Dhulka oo Muhiim u ah Deggenaashaha Guud ee Dalka Soomaaliya


Magaalada Muqdisho - gaar ahaan xerada barakaceyaasha ee Sayidka iyo Nawaaxigeeda


Arbaco, Luuliyo 06, 2016 (HOL)-Arimaha dhulalka iyo hantida maguurtada ah sida guryaha iyo lahaanshiyahooda ayaa waxaa dadka siyaasada qaadaa dhiga ay sheegayaan inay muhiim u yihiin dagganaanshiyaha iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhanka kale, warbixin dhawaan ay soo saadhay hayada NRC (Norwegian Refugee Council) ayaa sheegtay in arimahaa iyo xaquuqda dumarka oo aan sidii ay ahayd aanan waxba looga qaban ay caqabado ku yihiin sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliya.

Haweeneyda  ah Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika ee NRC, Gabriella Waaijman ayaa sheegtay  in tartan loogu jiro lahaanshiyaha dhulalka iyo kheyraatka dabiiciga ah uu huriyay colaadihii hore iyo kuwa hada ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed waxyaabaha aad u saameeya ay yihiin la'aanta guryo, dhulal iyo hanti kuwaasoo raggu ka horistaago.

Warbixintaa ayaa timid ayadoo Kenya ay go'aansatay in dib ay Soomaaliya ugu celiso qaxootiga Soomaalida ah ee kunool Dhadhaab kuwaasoo hanti, dhulal iyo guryo Soomaaliya gudaheeda uga baahan inay ka helaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in loo baahan yahay in bulshada Soomaaliya si isku habban laisugu dhafo dumarka iyo dadka taagta darana ay helaan xaquuqdooda ay u leeyihiin guryo ay kunoolaadaan, dhul iyo hanti.

Warbixinta ayaa tibaaxday in hannaanka Qorshaha Horumarinta ee Qaran ee Soomaaliya uu bixinaayo fursad dhanka guriyeynta ah, dhanka lahaanshiyaha dhulalka iyo hanashada hantida noocyadeeda kale.

Ka sokow dadka qaxootiga ku ah dalalka dariska ah, gudaha Soomaaliya waxaa QM ku qiyaastay in 1.1m oo Soomaali ah inay ku barakacsan yihiin.

Aaden M Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya