4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Orodyahanka Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius oo Maxkamadi ay 6-sano oo xabsi ah ku xukuntay


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Orodyahanka Oscar Pistorius, ayaa Xukunkaan wajahay markii ay ku cadaatay in 14-kii bishii Feberaayo ee 2013-kii, uu toogtay saaxiibtiis Reeva Steenkamp, dilkaasoo ka dhacay xarunta Koonfur Afrika ee Pritoria.

Oscaar ayaa ugu dambeyn maanta maxkamada ay ku xukuntay lix sano oo xabsi, kaddib waqti dheer ay dacwado kala duwan lagu oogay. Waxaana uu xukunkan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee lagu rido.

Thokozile Masipa oo ah Garsooraha Maxkamadda, ayaa sheegtay Xaaladda uu ku sugan yahay iyo sida uu isbedelka u sameeyay iyo inuu ka xun yahay dambiga uu geeystay sidaa darteena lagu xukumay lix sano oo xabsi ah

Iyado dhowr jeer ee hore maxkamad lasoo taagay ayaa Sanadkii hore lagu xukumay xabsi, balse xukunkaas ayaa markii dambe ay maxkamad burisay, waxaana dacwad oogaha ay racfaan ka qaadatay xukunka kaddibna dambiga ayaa waxaa loo beddelay dil bareer ah oo uu geystay orodyahan Oscar.

Sidoo Kale, Oscar Pistorious oo ah nin laxaad la’ ama cagoole ah, oo ku caan baxay Tartamada orodka, waxa uuna ahaa qofkii ugu horreeyey oo cuuryaan labada lugood l’a oo ka qayb-gala cayaaraha oradada caalmiga ah.

Cumar Maxamed, kiyow
[email protected]
Johannesburg, South Africa