4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Magaalada Beledweyne oo Maanta looga Dabaal-dagay Munaasabadda Ciidul-fidriga [SAWIRRO]


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Kumanaan shacab ah ayaa maanta Salaada Ciidul-fidriga ku oogay Masaajida kala duwan ee Magaalada Beledweyne oo Aroornimadii hore ee saaka laga bilaabay aqrinta Takbiirta.

Salaada kaddib, ayaa jidadka halbowlaha u ah degmada iyo xaafadaha kala gadisan intaba waxaa lagu arkayay caruur ku tamaashaadeysa kuwaa oo maanta oo kale ku faraxsanaa ka Qayb-galka fantisyaha Ciidul-fidriga, halka Dadka intiisa kalena isugu Hambalyeynayeen ciida wanaagsan iyo in alle ka aqbalo cibaadadii iyo acmaashii suubaneyd oo ay soo guteen intii lagu guda-jiray bisha barakaceysan ee Ramadaan.

Ciidan, ayaa la oran karaa ma jirin wax khilaaf ah, Waxaana mar kaliya Beledweyne dadku ka wadda-qeyb-galleen salaada ciida oo inta badan culimadu isku khilaafto.

Ugu dambeyn, Mas'uuliyiinta maamulka gobolka ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u diray bogaadin iyo habalyo la xiriirta Ciidul-fidriga, iyagoo u Rajeeyay in sanadkan kiisa kale alle ku gaarsiiyo nabad iyo hormar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya