4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
COMEY: Ma ahan in lagu dacweeyo Musharraxad Hillary Clinton E-mailadii ay horay u adeegsatay


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Agaasimaha Hay’ada FBI-da ee dalka Mareykanka James Comey ayaa sheegay inaan lagu dacweyn karin musharaxada Madaxweynaha Mareykanka ee Xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton Sababo la xiriria isticmaalkeeda E-maillo u gaar ah.

James Comey, ayaa xusay in in baarayaashu aysan hayn wax caddeymo ah oo muujinaya in Hillary Clinton ay si ula kac ah u Tirtay E-maillo la saabsan shaqadeeda, intii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Sidoo kale, Agaasimaha FBI-da Mareyknka ayaa intaas ku daray in Clinton iyo shaqaalaha waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay si taxaddar la’aan ah u dhaqmeen. Wuxuuna xusay inay suuro-gal tahay in waddamo shisheeye ah ay heleen xogtii ku jirtay qaar ka mid ah Emailladii ay Clinton isticmaashay, iyadoo adeegsaneysa email-keeda gaarka ah.

Agaasimaha ayaa wuxuu sidoo kale sheegay - in 110 ka mid ah farriimo ka badan 30,000 oo E-mail oo ay dirtay Hillary Clinton ama ay heshay ay ku jireen sir xasaasi ah xilligaas.

Dhanka kale, Natiijada baaritaannadan ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo Waaxda Caddaalada Mareykanka oo go’aan ka gaari doonta, Laakiinse James Comey ayaa Xusay inuusan arkin sabab dacwad ooge uu dacwo ugu furi karo Clinton.

Ugu dambeyntii, Hillary Clinton ayaa Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka uga Qayb-geli doonta Doorashada Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo lagu wado in ay dhacdo Bisha November ee sannadkan 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya