4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Guddi British ah oo Maanta baahinaya Warbixin ku saabsan ka qayb-galkii UK ee dagaalkii Ciraaq


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Arbaco Maanta ah ayaa la filayaa in la baahiyo Warbixin ay Diyaariyeen Guddi British ah, Taasoo ku saabsan Fara-gelintii lagu Sameeyay Ciraaq ee xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Saddaam Xuseen.

Guddoomiyaha Guddigii baaritaanka ku sameeyay ka Qayb-galkii Xukuumadda Britain ee Dagaalkii Ciraaq, Sir John Chilcot ayaa wuxuu xusay inuu rajaynayo in warbixinta ay soo Saarayaan ay noqon doonto mid horseedi doonta in Fara-gelinta Millatari oo aad u baaxad weyn, taasoo aan mustaqbalka lagu deg-degi doonin, iyadoo aan si Taxaddar leh aan go'aan siyaasadeed laga gaarin.

Sidoo kale, Sir John Chilcot, ayaa hadalkan sheegay iyadoo la sugayo in maanta la baahiyo warbixinta guddigiisa. Waxaanu xusay inuu filayo inay Warbixitan Xukuumadda Britain u horseedo inay si qoto leh u fikiraan inta aanay dulaan qaadin.

Weerarkii lagu qaaday Dalka Ciraaq ayaa go’aankii ay UK uga Qayb-gashay is-kala lahaa RW xilligaas Tony Blair, kaddib qaraar baarlamaanku meel-mariyay kaasoo noqday go'aan siyaasadda dibadda la xiriirta kii ugu ba'naa ee la isku Maan-dhaafo 50-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Blair ayaa kulammo waaweyn oo uu k qayb-galay ka difaacay go’aankiisii uu ciidamada UK ka socda ugu diray dalka Ciraaq, isagoo xusay in haddii ay tiisa tahay uu qaadi lahaa Tallaabo; Taas la mid ah hadii halis la mid ah tii Saddam Xuseen oo kale ahi ay soo baxdo mark kale.

Ugu dambeyn, Duulaankii lagu qaaday Dalka Ciraaq oo Mareykanku uu Hoggaaminayay ayaa wuxuu sabab u noqday in Dowladii Ciraaq ay burburto, illaa haddana waxaa dalkaas ka socda dagaallo sokeeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya