4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 6 , 2016
Mas'uuliyiinta Somalia oo shacabka kula tukaday Salaaddii Ciidda Masjidka Isbahaysiga Islaamka


Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Boqolaal qof oo shacab ah iyo madaxda DF Somalia ayaa maanta si Wadajir ah ugu Tukaday Masaajidka Isbahaysiga ee Muqdisho Salaaddii Ciidul-fidriga, kaddib markii ay dhammaatay bishii Ramadaan.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa madaxdii salaadda ku tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka, ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo nabadda dalka.

Sidoo kale, Boqolaal ruux oo u badan Carruur iyo Haween ayaa waddooyinka kala duwan ee Muqdisho lagu arkayaa, kuwaasoo ciidaya, waxaana carruurtu ay wataan qalabka lagu ciyaaro oo ay ka mid yihiin bastoolado macmal ah.

Gobolada dalka iyo Muqdisho ayaa waxaa gabi ahaan maanta looga dabaal-dagayaa ciidul-fidriga, iyadoo salaadda lagu tukaday barxado iyo Masaajiddo waa-weyn oo Muqdisho iyo Gobollada kala duwan ee Soomaaliya ku yaalla.

Ciiddaan, ayaa waxay wax badan ka duwan tahay ciidiihii hore, iyadoo guud ahaan dalka oo dhan mar qura laga wada-ciidayo, kaddib markii maalintii 30-aad la soomay shalay oo Talaado ahayd.

Madaxweynaha Somalia oo Muslimiinta ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda;

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Hambalyo ku Aaddanayd Munaasabadda Ciidul-fidriga u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta kale ee Caalamka ugu hambalyeeyay gudashada waajibaadka bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

“Ciiddul-fidriga waxay kulmisaa dhowr arrimood oo kheyr ah, sida in farxada la wadaago, in la xusuusto waxna loo qabto dadka tabaaleysan sida agoonta, isla markaana loo duceeyo kuwa Colaadaha iyo Cudurradu ay saameeyeen, EEBBENA laga baryo in uu naga Aqbalo soonkeenii iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bishii Ramadaan. Ciiddda waa munaasabad Ilaahay naxariistiisa iyo jaceylkiisa lagu kasbado, loona baahan yahay in wanaag iyo isku Samafal lala yimaado. oo aan murugada ka tirno wejiyada, kuweenna tabaaleysan iyo kuwa daciifka ah aan caawino, taasoo tusaale u noqoneysaa is jaceylka iyo Midnimada shacabka Muslimiinta ah,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale ka Tacsiyeeyay dadkii ku shahiiday Weeraradii ay waddamada Islaamka ka geysteen kooxaha argagaxisada caalamka intii lagu jiray bishii barakeysnayd ee Ramadaan.

“Waxaan tacsi u dirayaa Muslimiinta caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska iyo eheladii ay ka shahiideen dad badan oo Muslimiin ah, oo weliba iyagoo sooman ay si wax-shnimo ah u dileen kooxaha sida khaldan diinta u adeegsanaya ee Al Shabaab, Daacish iyo kuwa kale ee la mid ka ah. Waxaa wax laga argagaxo ah in argagixisadu xitaa ka xishoon waayeen magaalada barakeysan ee Madiina, taas oo sawir cad ka bixineysa ujeeddooyinka guracan ee kooxahan wax ma-garatada ah leeyihiin. Cadowgeenna 1-aad waa Al Shabaab, waxaa ku xiga kuwa dowlad-diidka ah ee Dacaayadaha fidiya iyo wax Alla wixii nabadda iyo horumarka kasoo horjeeda. Waan la dagaalameynaa cadowga waana ka adkaaneynaa,’’ ayuu mar kale yiri.

Sidoo kle, Madaxweynaha ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan kana shaqeeyaan horumarka dalka, isagoo si gaar ah u xusay doorashooyinka dhowaan dalka ku soo fool leh oo noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee la qabto muddo laga joogo 47 sanadood.

“Waddankeenna, wuxuu uu gelayaa marxalad cusub oo doorashooyin la isku diyaarinayo. Waxaa doorasho xor ah oo waddankeenna ka dhacda ay ugu dambeysey ku dhowaad nus qarni ka hor, waana waqti aad u dheer run ahaantii. Waxaa markaa na laga rabaa inaan u wada istaagno sidii hawshaasi taariikhiga ah aan u wada qaban lahayn, isla markaana aan caalamka tusnaa inaan tallaabo wanaagsan horray u qaadnay. Doorashadu sideedaba waa tartan, waxaa loo tartamayana waa in wax loo qabtaa dalkeena.Doorashadan yaanay noqon mid na kala qeybisa ee ha noqoto mid Soomaali isku keenta, qeybna ka qaadata dadaalka aan ugu wadajirno inaan dib Soomaaliya u mideyno, horumarna aan gaarsiino," ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa xusay in qof walba oo Soomaali ah uu waajib ka saaran yahay inuu ka qayb-qaato dadaalka la doonayo in dalka dib loogu dhiso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya