4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2016
MADAXWEYNE XASAN: Doorashadaan waa mid Dadweynuhu Cod ku leeyihiin 47 Sano Kaddib


Talaado, July 05, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbaahinta u mariyay ummadda Soomaaliyeed hambalyo ku aaddan ciidul-fidriga, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo cadaalad.

Xasan Sheekh, ayaa khubadiisa uga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin; siyaasada, amniga iyo horumarka dowladda soomaaliya ay kula jirto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ummadda Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarradii Al-shabaab, isagoo intii ay kasoo gareen dhaawacyadana u rajeeyay in ay si dag dag ah u bogsoodaan.

Madaxweyanaha Somalia ayaa ka hadlay Doorashada Sannadkan la filayo in ay ka dhacdo Dalka, Waxaana uu Xusay in ay noqon doonto 47-sano kaddib in markii ugu Horreysay ay doorasho cod dadweyne ah ay ka dhacayso Dalka.

Wuxuu Madaxweynuhu ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga qeyb-qaataan doorashada ka dhici doonto Soomaaliya.

Mar uu madaxweynaha Somalia soo hadal-qaaday dagaalka dowladda FS ay kula jirto Al-shabaab, wuxuu sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ku guuleystay la dagaallanka sidda uu hadalka u dhigay argagixisada, isaga oo tusaale u soo qaatay weerarada sanadkan ka dhacay dalal badan oo ka mid ah wadamada uu daganaashaha badan caalamka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa Shacabka iyo Qarankaba u Rajeeyay Nabad iyo horumar, isagoo kula dar-daarmay dhamaan qeybaha Bulshada inay ka wada Qayb-qaataan Horumarka dalka iyo dib uga soo kabashada coladda sokeysa ee uu dalku soo maray.

Xigasho SONNA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya