4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2016
BELEDWEYNE: Deeq Qoysas dan-yar ah Maanta la gaarsiiyay Ciidul-Fidriga Awgeed (SAWIRRO)


Talaado, July 05, 2016 (HOL) — Iyadoo berri ay tahay maalinta koowaad ee ciidul-fidriga, ayaa illaa 90-qoys oo dan-yar ah Waxaa la gaarsiiyay Deeq lacag ahayd oo ka timid Dalka Holland gaar ahaan magaalada Amsterdam.

Nabaddoon Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa uga Mahad-celiyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Amsterdam oo sida uu hadalka u dhigay ee soo xasuustay qoysaska dan-yarta ah ee aan waxba haysan. Wuxuuna intaas ku daray in qaybinta deeqdan lacageed ku soo beegeen xili maalinta berri ah loo dabaal-dagayo munaasabada ciidul-fidriga.

Dadka deeqdaan loo qaybiyay ayaa ku nool deegaan lagu magacaabo Buula-Xuubooy oo ka yar baxsan magaalada Baladweyne, kuwaasoo muddo dheer aan helin wax gargaar ah.

Ugu dambeyn, Tan iyo wixii ka dambeeyay markii bishii hore oo magaalada Beledweyne ay ku dhufteen Dadaadkii ka dhashay fatahaadda Webiga Shabeelle, Waxaa si weyn u sii kordhayay deeqaha kala duwan ee la gaarsiinayo dadka ay fatahaadda waxyeelladu kasoo gaartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya