9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2016
Qareenkii Kenyaanka ahaa ee la dilay oo la sheegay in si xun loo Jir-dilay ka hor Intaan la Qaarijin


Talaado, July 05, 2016 (HOL) —Warar soo baxaya ayaa sheegaya in baaris lagu sameeyay meydka qareenkii Kenyaanka ahaa la ogaaday in la jir dilay ka hor intii aan la Qaarijin.

Ma aha oo kaliya Qareenka dadka la dilay ee sidoo kale waxaa la dilay ninkii uu matalayay iyo darawalkiisii.

Sidoo kale, Waxaa dilalka raggaan si weyn uga carooday in badan oo ka mid ah dadka reer Kenya, maadaama uu jiro tuhun la xiriirta in booliiska ka dambeeyeen dilka Qareenkaan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid Maxkamad loo soo taagay dilkaan, hasse ahaatee afar Askari oo booliis ah ayaa wali u xiran, waxaana socda baaritaan dilalkaasi ku aaddan.

Ugu dambeyn, Agaasimaha waaxda dembi-baarista ee dalka Kenya, Ndegwa Muhoro, ayaa maxkamad ka hor sheegay in cadaalladda la marin doono kuwa ka dambeeyay dilalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya