4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2016
Booliiska Dalka Malaysia oo Qiray inay Kooxda ISIS Weerarkoodii koowaad ka geysatay Dalkaas


Talaado, July 05, 2016 (HOL) — Booliiska Malaysiya ayaa sheegay in qaraxii todobaadkii hore lala beegsaday Baar ku yaalla caasimadda dalkaas oo ay ku dhaawacmeen siddeed qof inuu ahaa Weerarkii ugu horreeyay ee ay ISIS ka geysato dalkooda.

Saraakiisha Booliiska Malaysiya ayaa markii hore sheegay in in laga yaabo in Qaraxaan ay ka dambeeyaan dad ganacsi isku haysta. Waxaana Qaraxan uu ka dhacay Baarka Movida oo ku yaalla bannaanka Magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Malaysia 28-kii bishii hore ee Juun, 2016-ka.

Mas’uuliyiinta booliiska ay sheegay inay weerarkaas u xireen labo ruux oo looga shakisan yahay inay weerarkaas ka dambeeyeen, iyadoo Xukuumadda Malaysia ay walaac xooggan ka qabto weeraro kale oo ay ISIS waddankaas ka geysato.

Taliyaha Booliiska Malaysia, Khalid Abu Bakar ayaa warbaahinta u sheegay in Daacish ay ku lug leeyiin weerarkaas, isagoo yiri. “Waxaan ogaannay in labo ka mid ah dadka Qaraxaan geystay uu hagayay qof Malaysian ah oo ku sugan dalka Suuriya si ay Malaysia qarax uga gaystaan.”

Sidoo kale, Dad badan badan xiriir la leh kooxaha argagaxisada ayaa lagu xiray sanadihii dambe Malaysia, Waxaana dadkaas ku jira 13-qof oo Dalka Malaysia u dhashay oo looga shakiyay Qarxyo dalkaas ka dhacay.

Ugu dambeyntii, Dawladaha Gobolka ayaa ka digay in ay sare u kacday Halista ururkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya