4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2016
Safarka Raisul Wasaaraha ee Sacuudiga; Kulamo uu La Yeeshay Boqorka Sacuudiga

Talaado, Luuliyo 05, 2016 (HOL)-Waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa dalka Sacuudiga raisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Raisul Wasaare Cumar C/Rashiid iyo wafdigiisa ayaa la kulmay boqorka Sacuudiga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Sacuudiga.

Raisul Wasaare Cumar ayaa ugu baaqay dawlada dalka Sacuudiga sidii ay u dardar galin lahayd kaalmada Sacuudigu ugu deeqo dalka Soomaaliya iyo guud ahaan sidii xiriirka labada dal loo sii horumarin lahaa.

Waxyaabaha kale ee wararku sheegayaan waa in labada masuul ka wada hadleen kasoo kabashada Soomaaliya dib u dhicii dagaalka sokeeye uu keenay 25tii sano ee lasoo dhaafay, isbaddalka siyaasadeed ee ka socda dalka Soomaaliya, doorashada la filaayo bisha Agoosto iyo ammaanka.

Raisul Wasaare Cumar ayaa muujiyay sida ay lama huraan u tahay in Sacuudigu caawiyo Soomaaliya oo ah dal Islaam ah oo dhibaatooyin ay hareeyeen muddo dheer isla markaana sidoo kale xubin ka ah Jaamacada Carabta.

Wuxuu xusay Raisul Wasaare Cumar in xiriir soo jireen ah uu labada dal ka dhexeeyo kaasoo ah xiriir walaaltinimo iyo Islaamnimo.

Boqorka Sacuudiga ayaa aqbalay dhammaan codsiyadaa asagoo u muujiyay samo doonimo ah in kaalmo tii hore ka badan uu siin doono dalka iyo dadka Soomaaliya isla markaana uu garab istaagi doono asaga iyo dawladiisu dawlada Soomaaliya .

Wafdiga Raisul Wasaare Cumar ayaa waxaa kujira Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/Raxmaan Caynte iyo Wasiirka Wasaarada Boostada iyo masuuliyiin kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]