4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 5 , 2016
MUSAVENI: Soomaaliya kama baxayno haddii la hagaajiyo Hanaanka shaqo ee Ciidanka AMISOM


Talaado, July 05, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ayaa sheegay in hannaan-xumo haysata istiraatiijyada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay sabab u tahay inay go’aansadaan inay ku dhawaaqaan  inay ciidamadooda kala baxayaan Somalia dhammaadka sannadka soo socda ee 2017-ka.

Balse Museveni wuxuu sheegay in ciidamadiisu ay sii joogi doonaan Somalia haddii wax laga bedelo qorshe-xumada Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka mid yihiin dib u dhisid la’aanta Ciidamada Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu Museveni ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka gobolka oo shalay ka dhacay magaalada Kampala, kaasoo uu goobjoog ka ahaa, RW Israa’iil oo booqanaya waddanka Uganda.

“Sababtii ugu weynayd ee aanu ciidamadeenna ugu dirnay Soomaaliya - waxay ahyad in shacabka Soomaaliyeed ay ka caawiyan sidii ay ciidamadooda dib ugu dhisan lahaayeen iyo in laga adkaado argagaxisada,” ayuu Museveni ka yiri kulanka.

Museveni ayaa mar kale yiri. “Muddo sagaal sano ah ayaanu joognaa Somalia, mana jiraan ciidammo la sameeyay, Sidaasna waxba kuma sii wadi karno, Sidaa awgeedna Soomaaliya weli nabad lagama dhigin, Al-shabaabna weli way jiraan, inkastoo laga adkaaday.”

Sidooo kale, Madaxweynaha Waddanka Uganda ayaa sheegay in natiijo la’aanta hawlgalka AMISOM uu kala hadlay dhinacyo kala duwan kuwaasoo uu xusay inay u muuqdaan kuwo wax qabanaya xilligan, isla markaana la dhiso ciidamada Soomaaliya.

“Hadda waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan in la dhiso Ciidankooda. Sidaa darteed, hadii aan aragno in jihada wanaagsan loo wado dhismaha ciidanka Somalia, waxaa naga go’an inaan sii joogno Soomaaliya oo aanu Hawl-galka AMISOM Qayb ka sii ahannno,” ayuu Museveni mar kale ka sheegay kulanka.

Madaxweynaha Uganda ayaa wuxuu mar kale yiri. “Innagu waxaan taageeri doonaa mar walba in la xasiliyo Somalia, waana sababtii aan u tagnay markii hore, balse ma doonayno inaan dhibaatada ka jirta Somalia qayb ka noqono, intii aanu xalka qayb ka noqon lahayn.”

Ugu dambeyn, Museveni ayaa sheegay inay ka go’an tahay in laga caawiyo shacabka Soomaaliyeed in loo dhiso hay’adaha kala duwan ee ay baahiyaha u qabaan, balse aysan aqbali doonin maamul-xumada hadda socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya