4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2016
QM oo Bilowday Kala Soocida Qaxootiga Runta ah iyo Kuwa aanan Ahayn Qaxooti Dhab ah

Masawir laga qaaday dad ka tirsanaa qaxootiga Dhadhaab oo bishii Juun Soomaaliya dib loogu celiyay/Nation Media Grp


Talaado, Luuliyo 05, 2016 (HOL)-Qaramada Midoobey ayaa shalay galinkii dambe bilowday 'hawlgal xaqiijin ah' oo lagu ogaanayo inta qof ee kujira xeryaha Dhadhaab ee ah muwaadiniin Kenyan ah kuwaasoo sheegtay inay yihiin qaxooti.

“Waxaanu ogsoon nahay in Kenyan ay si been abuur ah isugu diiwaan galinayaan qaxooti ahaan si ay u healaan adeegyo lacag la'aan ah iyo raashin,” afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Duke Mwancha ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

QM ayaan haatan ogeyn inta tirada dadkaa Kenyanka ah ee kujira qaxootiga Dhadhaab ay dhan tahay.

Laakiin Mr Mwancha ayaa sheegay in UNHCR ay isku dayayso inay ku ogaato tiradooda dadkaa muddo labo bilood ah gudaheed.

Dadaalkaa ayaa lagu wadaa in lagu helo 'diiwaan saxan' kaasoo qeyb ka ah heshiis dhawaan ay wada gaareen dawladaha Kenya iyo Soomaaliya, iyo hayada UNHCR ee qaxootiga.

Saddexda daraf ayaa sidoo kale kala isku raacay in qaxootiga kasoo jeeda dalalka kale ee xeryaha Dhadhaab kunool loo raro xerada Kakuma.

Qiyaastii 16,000 oo qaxooti ah oo badankoodu kasoo jeedo Itoobiya ayaa waxaa loo rari doonaa Kakuma inta Dhadhaab laga raro.

QM ayaa haatan sheegeysa in qaxootiga kunool Kenya ee Soomaalida ah uu is dhimay tiro ahaan shantii sano ee lasoo dhaafay oo intaa ka hor tiradoodu waxay ahayd 519,000 halka hada tiradoodu tahay 413,000.

Qiyaas ahaan tiradooda ayaa waxay is dhintay 100,000 dadkaas oo Soomaaliya ku laabtay tan iyo sanadkii 2011.

Deeq bixiyeyaal ayaa sanadkii lasoo dhaafay sheegay inay bixin doonaan $110 milyan oo ay kutaageerayaan barnaamijka dib u celinta qaxootiga xeryaha Dhadhaab.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]