4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2016
Idaacada Radio Daljir oo Dib Loo Furay

Talaado, Luuliyo 05, 2016 (HOL)-Idaacada Radio Daljir lagu magacaabo oo kutaal Puntland meelo badan oo ka mid ah iyo qeybo kale oo Soomaaliya ah isla markaana dhowr asbuuc ka hor la xiray ayaa haatan dawlada Puntland oo xidhay ay u ogolaatay in dib loo furo.

Idaacadaa ayaa iminka sii wadaysa shaqadeeda kadib markii shalay wareegto ka soo baxday dawlada Puntland lagu saamaxay isla markaana la yiri hasii waddo shaqooyinkii bulshada ay u heysay idaacadaasi.

Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta Boostada, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland ayaa ku wargalisay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, taliyaha ciidanka booliska ee Puntland iyo madaxtooyada Puntland in la fasaxay Radio Daljir.

23dii bishii hore ee Juun ayaa albaabada laisugu dhuftay idaacadaa xarumaheeda kadib markii dawlada Puntland ay sheegtay in ay idaacadaasi sii deysay warar liddi ku ahaa nabad galyada iyo midnimada shacabka reer Puntland.

Waxaa bayaankii shalay ka soo baxay dawlada Puntland lagu sheegay in lagu cafiyaay idaacadaa cafis kasoo baxay madaxweynaha Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]