4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 4 , 2016
RW Israa’iil oo Booqanaya Uganda oo Sannadkii 1976-kii lagu dilay Sarkaal Walaalkii ahaa (SWR)

Isniin, July 04, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa ku tagay booqasho markii ugu horreysay Dalka Uganda, isagoo soo arki doona meel Entebbe ku taalla oo dad Yuhuud ahaa lagu Afduubay Sannadkii 1976-kii, laguna dilay walaalkii oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada israa'iil ee dadkaas xoogga kusoo furtay.

Ciidamada Israa'iil, ayaa xoog kusoo furtay in ka badan 100 qof oo la afduub ahaan loogu haystay muddo Toddobaad ah Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe, iyadoo hawl-galkani uu ahaa mid aad u adag.

Sidoo kale, Netanyahu ayaa booqanaya dalalka Kenya, Ethiopia iyo Rwanda. Isagoo xusay in booqashadiisan ay ka mid tahay qorshe Israa'iil ay ku doonayso inay si wayn Afrika ugu soo noqoto.

RW Israa'iil, ayaa noqonaya RW-hii u horreeyay ee Israa’iil oo booqda waddamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeyay tan iyo 1987-dii markii uu ra'iisalwasaare ahaa Yitzhak Shamir.

Jonathan Netanyahu oo ay walaalo ahaayeen Ra'iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa lagu toogtay isagoo Hoggaaminaya Ciidankii gaarka ahaa ee Israa’iil oo Uganda ka fuliyay Hawl-galkii dadka Yuhuudda ah lagu soo furtay, kuwaasoo ay Afduubeen dad isugu jiray Falastiiniyiin iyo Jarmal, iyagoo la socday diyaarad ay leedahay shirkadda Air France.

Hawl-galkaas ayaa waxaa ku dhintay afar ka mid ahaa dadkii la afduuby, toddobo kooxihii wax afduubay ahaa iyo 20 ka tirsanaa ciidamada Uganda oo ilaalinayay Garoonka Entebbe ee ku yaalla dulleedka caasimadda Uganda ee Kampala.

Inta badan dadka hawl-galkaas lagu soo furtay ayaa ahaa Yuhuud laga soocay Rakaabkii la socday diyaaradda. Kabtankii diyaarada Air France iyo 12 shaqaalihii diyaarada ayaa sidoo kale la badbaadiyay.

Benjamin Netanyahu ayaa hawl-galkaas ku tilmaamay mid Israa'iil saamayn aad u wayn ku yeeshay, gaar ahaan isaga iyo qoyskoodii oo uu xusay inay ku waayeen walaalkiis oo ahaa hoggaamiyihii hawlgalka.

Dhanka kale, Netanyahu ayaa booqasho middan la mid ah ku mari doona Dalalka Itoobiya, Kenya iyo Rwanda ayaa loogu talo-galay in ay noqoto kusoo noqoshada Israa'iil ee Afrika, oo ah gobol qayb wayn kaga jira caalamka.

Xiriirka Israa'iil ee Afrika ayaa xooganaa Sannadihii 1960-yadii, balse hoos ayuu u dhacay kaddib cadaadis wadamada Carabta ee shidaalka leh ay saareen Waddamada Afrika qaar ka mid ah. Sidoo kale xiriirkii Israel ay la lahayd Dawladii Midab-takoorka ee Koonfur Afrika sidoo kale ma uusan caawin.

Balse, xilligaan waxaa jira faa'iido labada dhinac, iyadoo dalalka Afrikaanka ay doonayaan in ay Horumariyaan dhaqaalahooda, iyo Xiriirka dhinaca Ammaanka ee Israa'iil iyo iyadoo doonaysa inay samaysato saaxiibo cusub ayna horumariso xiriirka Gobolka oo Islaamiyiin dagaalyahanno ah ku kordhayaan.

Israa'iil, ayaa billowday barnaamij gar-gaar oo lagu adkaynayo xiriirka Waddamada Afrika oo ay ku kici doonto 13-Milyan oo Doollar, Waxaana barnaamijkaan ka mid ah Tababbaro dhinaca ammaanka iyo cafimaadka isugu jira.

Waxay kaloo Israa'iil doonaysaa inay kordhiso taageero waddamada Afrikaanka ee ka mid ah Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha Caalamiga ah oo ku cambaareeya Israa'iil dhulalka ay ka haysato Falastiiniyiin iyo xayiraada ay ku hayso Marinka Gaza.

Afhayeenka Dowladda Falastiiniyiin, Jamal Dajani ayaa sheegay inuu Aaminsan yahay in qorshaha Israa'iil ay ku doonayso in ay Awood ku yeelato Afrika aysan noqon doonin mid ay ku guuleysan doonto.

Ugu dambeyn, Waddamada Afrika ayaa arki doona "Dacaayada" Netanyahu, Sababtoo ah Afrikaanka iyo Falastiiniyiinta ayaa waxay wadaagaan Taariikh Gumaysi iyo dhulalkooda oo la haysto, ayuu u sheegay Wakaalada Wararka ee AP.

Xigasho: Wakaaladaha Wararka

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya